Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland oo Abaalmarinno guddoonsiiey guulaystayaasha  tartanka Qur’aanka kariimka ah ee Bisha Ramadaan

0
72

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland oo Abaalmarinno guddoonsiiey guulaystayaasha  tartanka Qur’aanka kariimka ah ee Bisha Ramadaan

 

Hargeysa-1-03-2024-(WMG)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa abaalmarinno qaali ah oo kala duwan guddoonsiiyey saddexdii arday ee ugu sarreeyey  tartanka heer qaran ee Qur’aanka kariimka ah ee bisha barakaysan ee Ramadaan.

 

Munaasibadda abaalmarinta Ardaydan oo lagu qabtay xarunta qasriga madaxtooyada Jamhuuriyadda Somaliland, islamarkaana ay madaxweynaha kala qaybgaleen xubno kamid ah golaha wasiirrada, xildhibaanno, culimaa’udiin iyo marti-sharaf kale, ayaa laga jeediyey hadallo lagu bogaadinayo xufaadda tartanka ku guulaysatay ee qowlka Eebbe xifdisan, waalidiintii iyo macallimiintii kusoo tacabtayna hambalyo loogu diray.

 

Ugu horrayn, agaasimaha guud ee wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Aadan Cabdilaahi Cabdille oo halkaas ka hadlay, ayaa ku dheeraaday heerarkii kala duwanaa ee uu soo maray tartanku iyo doorkii ay wasaaraddu ku lahayd, waxana uu tilmaamay inuu gobollada dalka kasoo bilaabmay ugu dambayna saddexdii Arday ee ugu sarraysay caawa la abaalmarinayo.

 

Wasiirka wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Maxamed Xaaji Aadan Cilmi, ayaa isaguna dhankiisa bogaadiyey Ardayda tartanka sannadlaha ah ee Qur’aanka kariimka ah ku guulaysatay, waxana uu madaxweynaha qaranka uga mahadnaqay inuu tartankan heer qaranka ah si joogto ah u maalgeliyey, islamarkaana uu gacantiisa ku bixiyo abaalmarinaha ay guulaystayaashu xaqa u leeyihiin.

 

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa dhankiisa hambalyo iyo bogaadin u diray guud ahaanba dhallinyaradii ka qaybgashay tartanka Qur’aanka kariimka ah, gaar ahaanna kuwa caawa la abaalmariyey iyo cid kasta oo kaalin kasoo qaadatay qabsoomidda tartankan.

 

Madaxweynuhu waxa uu halkaas abaalmarin baabuur ah ku guddoonsiiyey  Suhayb Keyse Cabdilaahi oo ka socday  gobolka maroodi-jeex, halka Suhayb Maxamuud Aadan oo ka socday gobolka Togdheer uu guddoonsiiyey kombuutar  Laptop ah, Mobile iyo lacag dhan  $2,000 (Laba kun) oo dollar, iyada  Fu’aad Cabdiraxmaan Abshir oo ka socday gobolka Awdal uu guddoonsiiyey Labtop, Mobile iyo qaddar lacageed oo dhan $1,500 oo dollarka maraykanka ah.

Sidoo kale waxa madasha abaalmarinno kala duwan lagu guddoonsiiyey qaar kamid ah culimadii tartankan qabashadiisa hirgelisay, iyada oo madashana lagu soo bandhigay shan dhallinyaro  xufaad ah oo wasaaradda Diintu u qoondaysay inay codkooda ku duubaan Soddonka Jus ee Qur’aanka kariimka ah oo si joogto ah laga sii deyn doono Idaacadda Qur’aanka kariimka ah ee Jamhuuriyadda Somaliland.

Wa-bilaahi Tawfiiq