Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland oo daah-furay Imtixaanka shahaadiga ah ee dugsiyada sare iyo H/Dhexe oo Maanta Bilaabmay

0
208

 Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland oo daah-furay Imtixaanka shahaadiga ah ee dugsiyada sare iyo H/Dhexe oo Maanta Bilaabmay.

 

Hargeysa-17-06-2023-(WMG)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa daah-furay Imtixaanka shahaadiga ah ee fasallada Afraad ee dugsiyada sare iyo siddeedaad ee dugsiyada Hoose dhexe oo maanta si rasmi ah uga bilaabmay guud ahaan dalka Somaliland.

 

Madaxweynaha oo ay wehelinayaan wasiirka wasaaradda waxbarashada iyo Sayniska, Mudane Axmed Maxamed Diiriye (Toorno) iyo guddoomiyaha imtixaanaadka Qaranka, Mudane Daa’uud Axmed Faarax, ayaa imtixaanka si rasmi ah uga daah-furay dugsiga sare ee Sheekh Ibraahim Sheekh Yuusuf Sheekh Madar, waxana uu gacantiisa ku qaybiyey nuqullo kamid ah imtixaanka saaka ka  bilaabmay dalka oo dhan.

 

Ugu horrayn, guddoomiyaha imtixaanaadka Qaranka,  Mudane Daa’uud Axmed Faarax oo halkaas ka hadlay, ayaa sharraxay tirada ardayda ee sannadkan imtixaanaadka shahaadiga ah gelaysa, waxana uu sheegay inay sannadkan u fadhiisanayaan 25,000 (Shan iyo labaatan kun) oo dugsiyada dhexe ah iyo 16,000  (Lix iyo toban kun) oo arday oo  dugsiga sare ah, waxa sidoo kale ku jira 3, 243 arday oo ah ardaydii Gobolka Sool oo ay gobolkooda xaaladi ka jirto.

Waxa kale oo xusid mudan in ay sannad imtixaanaadka u fadhiisteen ardayda baahiyaha araga qaba, waxaana imtixaanaadka maanta looga fadhiistay 300 oo goobood oo dalka ah.

 

Wasiirka wasaaradda waxbarashada iyo Sayniska, Mudane Axmed Maxamed Diiriye (Toorno), ayaa isaguna madaxweynaha uga mahadnaqay daah-furka imtixaanka qaranka ee maanta bilaabmay, waxana uu ardayda u rajeeyey guul.

 

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi oo hadal kooban goobta ka jeediyey, ayaa ardayda u duceeyey, kulana dardaarmay inay iska saaraan cabsida imtixaanka, niyaddooda wanaajiyaan, isaga oo bahda waxbarashada iyo guud ahaan qarankaba uga mahadnaqay hirgelinta imtixaanka iyo diyaarintiisaba, waxana uu yidhi,“Imtixaanka waa lasoo wada maray, laakiin wuxuu lamid yahay casharradii hore oo kale oo wax weyn ma aha, haddii wax qaldamaanna berri baa la saxayaa, waxan markaa dhammaan ardayda u rajeynayaa imtixaanka inay ku guulaystaan, waxan hambalyeynayaa wasaaradda waxbarashada iyo dhammaan qaranka Somaliland oo horumar weyn sameeyey.”

 

Dhinaca kale, madaxweyne Muuse Biixi Cabdi waxa uu soo kormeeray qaar kamid ah goobaha ay ka socoto qaadashada kaadhadhka cod-bixiyeyaasha ee gudaha caasimadda Hargeysa.

Wa-bilaahi Tawfiiq

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here