Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Oo Maanta La Tukaday Lana Ciiday Qaarka Mida Shacbiga Caasimada Somaliland Ku Dhaqan.

0
62

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Oo Maanta La Tukaday Lana Ciiday Qaarka Mida Shacbiga Caasimada Somaliland Ku Dhaqan.

Hargeysa-10-04-2024-(WMG)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa shacabka ku dhaqan caasimadda Somaliland ee Hargeysa kala qaybgalay tukashada salaadda Ciidul-fidrida oo maanta laga oogay guud ahaanba dalka Jamhuuriyadda Somaliland iyo dalalka kale ee Islaamka.

 

Madaxweynaha oo tukashada salaadda kala qaybgalay boqollaal qof oo ku tukaday masjid-jaamaca weyn ee caasimadda Hargeysa, waxana uu salaadda kaddib bulshada u jeediyey khudbad dhinacyo kala duwan taabanaysa.

 

Ugu horrayn, madaxweyne Muuse Biixi Cabdi waxa uu bulshada Somaliland Alle uga baryey inuu ka aqbalo cibaadadii, soonkii iyo acmaashii wanaagsanayd ee ay soo sameeyeen bishii barakaysnayd ee Ramadaan.

 

Dhinaca kale madaxweynaha Qaranku waxa uu fariin u diray dhammaan inta afsoomaaliga ku hadasha ee ku dhaqan dunida dacaladeeda isagoo u bandhigay, hoosta ka xarriiqay qadiyada madaxa-bannaanida Somaliland iyo maryo tuurka ay muujiyeen maamulka muqdisho ee ay kaga xunyihiin waxa u soo kordhay Somaliland, waxaanu yidhi “dadka xamar joogaa waxay ku leeyihiin shabaabkaa nalaynaya ee na qarxinaya ayaa nooga dhaw Somaliland oo la ictiraafo, anigu taasan u arkaa waana walaalkay, waana kii aan wax u geeyey, waana kaan sharfay, waana kaan leeyahay walaalo aynu kala garbaxno, culimo, caamo iyo waxgarad bal caqligaasi siduu yahay ha la eego ayaan leeyahay soomaali oodhan ee maaha inteena halkan joogta oo qudha, suurtogal maaha sidaasi, wax la qaadan karona maaha, saddexdii midiba gaar isu taagtayna weli nin soomaaliyeed oo saddexdaa ka mid ah oo yidhaahda war meesha waxbaa qaldan, waana la kala garleeyahay ma hayno” Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi

Wa-bilaahi Tawfiiq