Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Oo Qaabilay Maayarka Iyo Kuxigeenka Degmada Burco Oo Dhawaan La Doortay.  

0
88

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Oo Qaabilay Maayarka Iyo Kuxigeenka Degmada Burco Oo Dhawaan La Doortay.

 

Hargeysa-15-01-2024-(WMG)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta kulan gaar ah la qaatay Maayarka cusub ee dhawaan loo doortay degmada Burco, Mudane Maxamed Xirsi Axmed Iyo maayar-ku-xigeenkiisa, Mudane Suldaan Nuux Jaamac oo dhawaan shaaciyey inay ku biireen xisbul-xaakimka KULMIYE.

 

Madaxweynaha Qaranka, ayaa hoggaanka cusub ee golaha deegaanka Burco ku bogaadiyey doorashadooda, waxana uu kula dardaarmay inay ka shaqeeyaan horumarinta degmada, lana yimaaddaan curin iyo dardargelin degmada loogu horseedayo barwaaqo iyo horumar.

 

Xubnaha hoggaamiya golaha deeegaanka ee Burco, ayaa dhankooda madaxweynaha ugaga mahadnaqay sida miisaanka leh ee uu u qaabilay, waxana ay ballan qaadeen inay ka go’an tahay sidii ay Burco u gaadhsiin lahaayeen horumar waara, iyaga oo ka codsaday xukuumadda inay garab istaagto.

 

Kulanka waxa madaxweynaha ku wehelinayey wasiirrada wasaaradaha arrimaha gudaha, Xannaannada xoolaha iyo horumarinta reer Miyiga, Macdanta iyo Tamarta, Gudoomiye ku xigeenka Koowaad ee Xisbiga Kulmiye, guddoomiyaha hay’adda Qaxoontiga iyo Barakacayaasha, Badhasaabka gobolka Togdheer, xildhibaanno golaha wakiillada ah iyo mudaneyaal katirsan golaha deegaanka Burco.

Wa-bilaahi Tawfiiq