Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland oo Qasriga Madaxtooyada ku qaabiley Madaxweynihii hore ee Somaliland Iyo Masuuliyiinta Xisbiga Waddani.

0
80

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland oo Qasriga Madaxtooyada ku qaabiley Madaxweynihii hore ee Somaliland Iyo Masuuliyiinta Xisbiga Waddani.

Hargeysa-20-03-2024-(WMG)-Kulan uu soo abaabulay, kana soo shaqeeyey qabsoomidiisa Madaxweynihii saddexaad ee Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Daahir Rayaale Kaahin oo ujeedadiisu ahayd sidii ay isaga kaashan lahaayeen danta Qaranka iyo Doorashooyinka, ugana wada-hadli lahaayeen Xukuumadda uu gadh-wadeenka ka yahay Madaxweyne Mudane Muuse Biixi Cabdi iyo Hoggaanka sare ee xisbiga Waddani oo uu hoggaaminayey Murashax Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro).

Kulankan oo lagaga wada hadlay qodobo kala duwan oo qaranka dan u ah, oo uu ka odayeeyey Madaxweyne hore ee Somaliland Mudane Daahir Rayaale Kaahin ayaa diirada lagu saaray:-

1. In meel looga soo wada Jeedo Cadawga Somaliland, lagana wada shaqeeyo Difaaca Qaranka.

2. Arrimaha Doorashooyinka;
a) In ololaha doorashooyinka lagu galo si bilaa turxaan ah.

b) In natiijada ka soo baxda tartanka doorashooyinka loo hoggaansamo oo ay aqbalaan Xisbiyada Qaranku.

c) In saddexda cisho ee soo socda ay xisbiyada qaranku kulamo qabsadaan, si ay u sii anba qaadan una lafo-guraan qodobadan hirgelintooda.

Ugu dembayntii, waxa uu Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi uga mahad-naqay Madaxweynihii hore Somaliland Mudane Daahir Rayaale Kaahin soo qaban-qaabinta kulankan iyo ka-shaqaynta danaha guud ee Qaranka.

Waxaana kulanka madaxweynaha ku wehelinaayey, Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye, ahna Wasiirka Arrimaha Gudaha, Mudane Maxamed Kaahin Axmed, murashaxa madaxweyne ku xigeenka ahna Wasiirka Ganacsiga iyo Dalxiiska, Mudane Maxamuud Xasan Sacad (Saajin) iyo Wasiirka Xannaanada Xoolaha iyo Horumarinta reer Miyiga, Mudane Siciid Sulub Maxamed.

Dhinaca Murashaxa Cabdiraxmaan Cirro-na waxa ku wehelinaayey Kulanka Murashax ku xigeenkiisa Mudane Maxamed Cali Aw Cabdi, Mudane Cabdiqaadir Xaaji Ismaaciil Jirde oo ka mid ah hoggaanka xisbiga iyo Xoghaye Cabdiqaadir Saalax Iidle.

ALLAA MAHAD LEH

Naasir Yuusuf Daahir
Agaasimaha Warbaahinta Madaxtooyada JSL