Madaxweynaha La Doortay Ee Somaliland Wuxuu Doortay Dariiq U Sahli Kara Inay Xukuumaddiisa Cusub Ee Uu Soo Dhisi Doona Noqoto Mid Shaqaysa, Inayse Noqon Dariiqii Guusha Taariikhda Sheegi ? Qalinkii Suxufi: Cabdiwali Cali Ismaaciil

0
793

Madaxweynaha La Doortay Ee Somaliland Wuxuu Doortay Dariiq U Sahli Kara Inay Xukuumaddiisa Cusub Ee Uu Soo Dhisi Doona Noqoto Mid Shaqaysa, Inayse Noqon Dariiqii Guusha Taariikhda Sheegi ? Qalinkii Suxufi: Cabdiwali Cali Ismaaciil

Maanta Waxaan La Sheekaystay Rag Badan oo aanu Macaariif nahay kuwana Saaxiibo oo Xilal kala duwan oo halka ugu saraysa tahay Heer xilal Wasiiro ka haya Xukuumadda Wakhtigeedu dhamaaday ee Madaxweyne md Axmed Maxamed Maxamuud (Siillaanyo), kuwaasi oo gacan wayn ka geystay Kaambeynkii Doorashaddii Madaxweynaha ee Dalka ka qabsoomay 13/11/2017-ka, laguna doortay Madaxweynaha Cusub ee Somaliland mudane Muuse Biixi Cabdi.

Masuuliyiinta iyo Saraakiisha Xukuumadda hada xilku ka dhamaaday ee aan la kulmay waxaan waydiiyey HAL SU’AAL oo kaliya taasi oo ah “Maxaad Ka Filaysa Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi In Uu Xil Cusub Ku Magacaabo Iyo In Uu Kaagan Ka Qaado” ?

Dhamaantood Ragii aan Su’aashan Waydiiyey waxay ku jawaabeen hal Jawaab oo isku mid ah, taasi oo ah “Ma Sheegi Karo Iyo Ma Saadaalin Karo In Xil Na Looo Magacaabi Karo ” ?

Marka aad u kuur gasho isla markaana aad dad badan oo wakhtigii uu Xisbiga Kulmiye ku jiray Kaambeynkii ololaha Doorashaddii Madaxtooyadda dadkii sida dhaw u la socday arimihii iyo balanqaadyadii uu ololihii doorashadda ku galay Madaxweynaha Cusub ee haatan Jamhuuriyadda Somaliland Md Muuse Biixi Cabdi, waxay ku sheegayaan in uu maray Muuse Biixi dariiq ka duwan kii 4-tii Madaxweyne ee isaga ka horeeyey mareen, gaar ahaan labadii Madaxweyne ee sida Dumquraadiyadda ah doorashooyinka ku yimid Kursiga Madaxweynenimadda ee md Daahir Rayaale Kaahin iyo Md Axmed Maxamed Maxamuud (Siillaanyo).

Dariiqa Guul iyo Guul Daro kii uu noqon doono aan ilaa hada cid sheegi karta jirin ee Madaxweyne Md Muuse Biixi Cabdi kaga duwanaan doono saaxiibadiisii Kursiga Madaxtooyadda uga horeeyey, ayaa ah in aanay jirin balanqaad rasmi ah oo uu inta badan u sameeyey Siyaasiyiinta Xilalka Xukuumadda ka haysa iyo kuwa Xisbigiisa Kulmiye ka tirsan ee halgankii ololhii doorashadda Madaxtooyadda kala soo qaybgalay, waxaana sido kale cadeyn wax Balan dhinaca Saami qaybsiga ama Beelaha Kala duwan ee Somaliland ee mid mid uu u la soo kulmay wakhtigii Murashaxa uu ahaa ee uu codka ka doonaaya muuse Biixi Cabdi guud ahaan Beelaha dega Deegaanadda kala duwan ee Jamhuuriyadda Somaliland oo deegaan kasta uu gaarkiisa dadka dega Kulamo u la soo qaatay.

Sababta aan u odhan karo Madaxweynaha Cusub ee Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi, maaha Madaxweyne Balanqaad u sameeyey Siyaasiyiinta ku xeeran ee Kaambeynkii kala qaybgalay iyo in aanu Beelaha Somaliland Balanqaad Rasmi ah cidna u sameyn, waxaan u daliishan karaa maadama Siyaasiyiintii la soo halgamay dhamaan aad arkayso inay niyad jab iyo welwel ku muujinayaan oo mid qudha oo ku odhanaaya balanqaad rasmi ah ayaan ka haysta Beel ahaan iyo Siyaasi ahaanba in Muuse Biixi uu xil ii magacaabi doono ama Xilka uu Xukuumadda Sii dhacaysa ka hayo uu ku sii nagayn doono ma jirto cid kalsaanida Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ka haysata.

Waxay tani muujinaysa fursada ah in aanay sidii dawladihii hore ee Xukuumaddihii Somaliland soo maray uu hogaamiye kasta oo la doorta uu labada sanno ama saddexda sanno ee Mudo xileedkiisa ugu horeeysa uu ku mashquuli jiray sidii uu u raaligelinlahaa Balanqaadyadii dhalanteedka iyo dhibta badnaa ee Ashaqaas gaara, Siyaasiyiin, Ganacsato ama Beel Kasta oo reer Somaliland ah u balanqaadka ugu sameeyey isaga oo ka doonaayey codkii uu Kursiga ku fuulilahaa waxa ku adkaata Madaxweyne kasta oo laa doortay ka dabaalashadda balanqaadyaddasi iyo sidii ugu yaraan uu waxa ugu suurta galsan u fulinalahaa, waxaanay hada u muuqata maadama oo aanay jirin ama ay aad u yartay Balanqaadayadda uu Madaxweyne Muuse Biixi Cabdo wakhtigii doorashadda Siyaasiyiinta iyo Beelaha Somaliland aanu wakhtigii ololaha doorashadda aanu cidna la soo gelin inay u fududaan doonto in uu dawlad kooban ama tayo leh soo dhiso taasina waa sababta rag badan oo xukuumadda sii dhacaysa iyo raga dibadda hada xilalka ka jooga aanay ugu xisaabtami karin in uu xil u magacaabo Madaxweynaha Cusub ee Somaliland loo doortay.

Ugu dambeyntii Talo ahaan Madaxweynaha Cusub ee Jamhuuriyadda Somaliland waxaan u soo jeedinlahaa in uu ka dhabeeyo sidii uu hore Bulshadda Somaliland ugu sheegay wakhtigii Kaambeynka ololaha doorashaddii Madaxtinimadda ee uu hanta ku guulaystay uu ku sheegi jiray oo ah in uu Dawlad Kooban oo Tayo leh uu so odhisi doono, waxaana aynu og nahay in Somaliland ay baahi weyn u qabto dawlad tayo leh oo tiro kooban maadama oo dhaqaale ahaan aynu nahay dal cur din ah oo wasiiro 70 ah sida Xukuumadda imika xilku ka dhamaaday aanay ahayn wax horumar keeni kara shacabka Somaliland ay dhiig bax ku tahay.

Suxufi: Cabddiwali Cali Ismaaciil
Abdiwali1991@gmail.com