Madaxweynaha Oo Cusbitaalka Dr Maxamed Aadan Sheekh Ku Bookhday Wiil Wadnaha Laga Qalayo, Waana Markii U Horaysay Taariikhda Ee Somaliland Laga Hirgeliyo Qaliin Noociisa Oo Kale Ah

0
568

Madaxweynaha Oo Cusbitaalka Dr Maxamed Aadan Sheekh Ku Bookhday Wiil Wadnaha Laga Qalayo, Waana Markii U Horaysay Taariikhda Ee Somaliland Laga Hirgeliyo Qaliin Noociisa Oo Kale Ah

Hargeysa(WSN)Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Axmed Maxamed Silaanyo waxa uu maanta cubitalka Dr Maxamed Aadan Sheekh ku bookhday wiil shan sano jira oo qaliin lagaga samayn doono wadnaha, kaasoo uu ku soo dhashay wadnaha oo daloola.
Bookhashada Madaxweynuhu ku tegay cusbitaalka Dr Maxamed Aadan sheekh ayaa ah mid ku timid xaalada wiilkaasi ku sugan yahay oo noqonaysa markii ugu horaysay ee Somaliland ama Geeska Afrikaba lagu sameeyo qaliin noociisa ah, balse loo qaadi jiray dalka Talyaaniga oo muddooyinkii u dambeeyey uu cusbitalka Dr Maxamed xidhiidh dhinaca qaliinnaha ah ka samaynayey, iyadoo sideed caruur ah oo noocan oo kale ah ama uu wadnuhuba daloolo lagu soo qalay dalka dibediisa, nasiib wanaagse maanta qaliinadii dibeda laga maarmay oo dalka gudihiisa lagu samaynayo, ka dib dedaal laga sameeyey in dalka la keeno qalab ka qaliinada ee dibeda aynu uga baahan jirnay.

Agabkan qaliinka ayaa dalka soo gaadhay ka dib markii qaadhaan ururin loo sameeyey Cusbitaalka Dr Maxamed Aadan Sheekh, qaadhaankaas oo ay hormuud ka ahayd marwada madaxweynaha Somaliland, Marwo Aamina-weris Sheekh Maxamed jirde iyo Madaxweynaha oo iyaguna qaban qaabada iyo hirgelinta lahaa dhinaca dhaqaalahana qayb ka ahaa. Dalku in uu yeesho qalab u gaara oo lagaga maarmo dibeda iyo dalalka shiyeeye oo aanay shacbigeeni inta badan awoodin, sidaa awgeedna loo tudho loona fudaydiyo si aynu u caawino caruurta yar yar ee daryeel la’aanta u geeriyoota ee wadnuhu daloolo, waxaanu noqday kulankaa dhaqaalaha loogu ururiyey cusbitalka laguna keenay mishiinadii qaliinka loo isticmaalayey mid najaxay oo intii ka qayb qaadatay bixinta qaadhaankaasina ay ku amaanan yihiin ajar iyo xasanaadna ay u tahay qof walba oo qayb ka ahaa.

Madaxweynuhu waxa uu isdul taagay una duceeyey wiilka u diyaarka ahaa in uu maro qalinkaas oo isagu markaa uun gelayey laguna fulinaayey qaliinka, waxaana dul fadhiyey wiilka aabihii oo isna dareenkiisa cabiray sheegayna in uu Alle talo saaranayo kana baryayo inuu ku guuleeyo wiilkiisa qaliinkaa uu maanta marayo. Waxaanay dhakhaatiirtu sheegeen in maalmahan ilaa afar qof oo kale ay maridoonaan qaliino la mida kan ay hada gacanta ku hayaan. Somalilandna ay noqotay dalkii u horeeyey geeska afrika ee yeesha dhakhtar fuliya qaliinada wadnaha.

dsc_0000

dsc_0001

dsc_00002

dsc_0003

dsc_0005

dsc_0006

dsc_0007

dsc_0008

dsc_0010

dsc_0011

dsc_0012

dsc_0013

dsc_0014

dsc_0018

dsc_0020

dsc_0022

dsc_0027

dsc_0029

dsc_0032

dsc_0038

dsc_0044

dsc_0047

dsc_0050

dsc_0051

dsc_0052

dsc_0055

dsc_0057

dsc_0059

dsc_0064

dsc_0067

dsc_0070

dsc_0072
Xafiiska Afhayeenka iyo Warbaahinta Madaxtooyada JSL