Madaxweynaha oo ka qaybgalay Xafladda Furitaanka Dhismaha Cusub ee Wasaaradda Macdanta iyo Tamarta +SAWIRO

0
456

Madaxweynaha oo ka qaybgalay Xafladda Furitaanka Dhismaha Cusub ee Wasaaradda Macdanta iyo Tamarta.

Hargeysa(WSN)Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Axmed Maxamed Silaanyo ayaa maanta ka qaybgalay xadhigana ka jaray dhismaha wasaaradda Macdanta iyo Tamarta Somaliland, dhismahaas oo noqday dhismihii ugu quruxda badnaa guud ahaan wasaaradaha dalka ka hirgalay intuu madaxweyne Silaanyo hoggaaminaayey talada dalka.

Munaasibadan oo ahayd mid aad loo soo agaasimay waxa hadalo ka jeediyey masuuliyiin kala duwan oo isugu jiray muwaadiniin iyo xubno ka socday shirkadaha xidhiidhka la leh wasaarada Macdanta, waxaana halkaasi madaxweynuhu uu ka jeediyey khudbad, waxaanu shahaadooyin gudoonsiiyey xubno lagu sharfay sida ay uga qaybqaateen dhismaha quruxda badan ee halkaasi laga bineeyey. Waxaanu yidhi madaxweynuhu “Waxaynu ka wada dheregsanahay halka uu dalkeenu marayey (dhaqaale ahaan iyo horumar ahaanba) markii ay Xukuumadda aan gadh-wadeenka ka ahay talada dalka qabatay iyo halka uu maanta dalkeenu marayo marka dhan walba laga eego. Waxa marag ma doon ah in Xukuumaddaydu ay xaqiijisay is-beddel laxaad leh iyo horumar balaadhan oo la taaban karo oo dhinacyo badan leh Kaasoo uu ugu dambeeyey Heshiiskii Casriyeynta iyo Balaadhinta Dekeda Berbera oo Shalay ay kala saxeexdeen dawlada Imaaraadka Carabta iyo Dawlada Somaliland, waana guul u soo hoyatay qarankeenna.

Mudanayaal iyo Marwooyin,

Waxa sharaf iyo maamuus ii ah in aan maanta xadhiga ka jaro Dhismahan Bilicda San ee Casriga ah ee loo dhisay Wasaaradda Macdanta iyo Tamarta. Waxaan halkan si mug leh ugu mahad naqayaa Wasiirka Macdanta iyo Tamarta, mudane Xuseen Cabdi Ducaale iyo Shaqaalaha Wasaaradiisa, maadaama ay suurto geliyeen dhismaha ugu quruxda badan dhismayaasha ay ilaa haatan Xukuumaddu yeelato. Waa dhisme tusaale iyo ku dayashaba u ah qaabka casriga ah ee loo baahan yahay in loo dhiso Xarumaha Dawladda.

Wasiirka Macdanta iyo Tamarta waxa kale oo aan uga mahad-celinayaa dedaalka iyo kartida uu muujiyey ee uu Shirkadaha Baadhista Shidaalka ku qanciyey inay inaga caawiyaan Kharashka ku baxaya dhismaha iyo qalabaynta Dhismahan Bilicda San ee Casriga ah, taasoo uu culayskii kaga dulqaaday in ay Xukuumaddu bixiso wixii kharash dhisme iyo qalaba ku bixi lahaa Xarunta Wasaaradda Macdanta iyo Tamarta.

Sidoo kale, waxaan jecelahay in aan iyagana halkan si weyn ugu mahad naqo Shirkadihii Baadhista Shidaalka ee iyagu ajiibay codsigii Wasiirka Macdanta iyo Tamarta, kuwaasoo Xukuumad ahaan naga caawiyey kharshka ku baxay dhismaha iyo qalabaynta Dhismahan Casriga ah ee ay yeelatay Wasaaradda Macdanta iyo Tamarta.

Waxa kale oo aan jecelahay inaan halkan ka bogaadiyo Shirkadda Dhismaha ee NAJAX oo iyagu Xaruntan dhisay iyo Shirkadda Rio Architects oo iyagu lahaa Naqshadaynta Dhismahan Casriga ah.

Guntii iyo geba-gabadii, Xaruntan loo dhisay Wasaaradda Macdanta iyo Tamartu waxay kor u qaaday Bilicda iyo Quruxda Caasimadda, cid kasta oo gacan ka geysatayna waan uga mahad naqayaa”.
DSC_0462

DSC_0456

DSC_0450

DSC_0444

DSC_0438

DSC_0432

DSC_0428

DSC_0423

DSC_0416

DSC_0413

DSC_0401

DSC_0397

DSC_0394

DSC_0388

DSC_0383

DSC_0381

DSC_0378

DSC_0375

DSC_0367

DSC_0360

DSC_0351

DSC_0348

DSC_0341

DSC_0322

DSC_0321

DSC_0315

DSC_0310

DSC_0308

DSC_0301

DSC_0291

DSC_0286

DSC_0278

DSC_0276

DSC_0261

DSC_0254

DSC_0248

DSC_0241

DSC_0239

DSC_0236

DSC_0233

DSC_0220

DSC_0215

DSC_0196

DSC_0157

DSC_0147

DSC_0138

DSC_0118

DSC_0113

DSC_0108

DSC_0091

DSC_0080

DSC_0062

DSC_0054

DSC_0048

DSC_0038

DSC_0032

DSC_0022

DSC_0020

DSC_0016

DSC_0013

DSC_0004

DSC_0003

DSC_0002

DSC_0001

DSC_0000
ILAAHAY BAA MAHAD LEH,
GUULNA QARANKEENAA LEH,