Madaxweynaha oo kulan lagaga Arrinsanaayey Diwaangelinta Codbixiyeyaasha ee Gobolada Bariga la qaatay Gudida Doorashooyinka Saddexda Xisbi Qaran iyo Laamaha Amniga + Sawiro

0
431

Madaxweynaha oo kulan lagaga Arrinsanaayey Diwaangelinta Codbixiyeyaasha ee Gobolada Bariga la qaatay Gudida Doorashooyinka Saddexda Xisbi Qaran iyo Laamaha Amniga

Hargeysa(Warsugannews)WAR-SAXAAFADEED: 22/03/2016:-Kulan balaadhan oo lagaga arrinsanayey sida ugu habboon ee looga hawlgelayo diwaangelinta codbixiyeyaasha ee gobolada bariga Somaliland, ayaa ku qabsoomay maanta qasriga Madaxtooyada Somaliland.

Kulankan oo uu gidoominayey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Axmed Maxamed Siilaanyo waxa ku wehelinayey Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), gudoomiyaha xisbiga ucid, Gudoomiye ku xigeenka koowaad ee xisbiga kulmiye, Gudoomiye kuxigeenka koowaad ee Xisbiga Waddani, taliyeyaasha ciidamada qalabka sida, xubno ka mida golaha wasiirada iyo masuuliyiin ka tirsan Asxaabta qaranka iyo badiba xubnaha komishanka doorashooyinka Qaranka.

Iyadoo lagu xisaabtamayo waayo aragnimadii laga helay gobolada ay ilaa hadda ka soo qabsoontay diwaangelinta codbixiyeyaasha iyo gobolka maroodi-jeex oo ah gobolka ugu tirada badan gobolada oo dhawaan la gudogelayo diwaangelinta codbixiyeyaashiisa, ayaa la isku raacay in xooga la saaro, loona guuro hawsha diwaangelinta gobolada bariga dalka.

Warbixinaha la soo jeediyey waxa ka mid ahaa in dadka gobolada bariga ku nooli ay diyaar u yihiin isdiwaangelinta codbixiyeyaasha, dib danbaysana aanay u aqbalidoonin xildhibaan ku yimid isxambaar, oo dadka uu metelayaa aanay soo dooran.

Waxa kale oo ka mid ahaa waxyaabihii la isla qaatay in la xoojiyo maamulka dawladnimo, oo maalinba maalinta ka danbaysa ku sii fidaya deegaamadaasi, muwaadiniinta goboladaasina ay u heellan yihiin, wax la qabashada dawladda.

Geesta kale waxa la gudoonsaday in wacyigelin horleh oo balaadhan kuna waajahan diwaangelinta codbixiyeyaasha loo-lahaado deegaamada bariga Somaliland, lana hawlgeliyo ardayda jaamacadaha Nugaal iyo Sanaag, NGO-yada deegaanka, Madax-dhaqameedka, Duqayda iyo waxgaradka deegaamada laga hawlgelayo, sidii gobolada hore ee diwaangelintu ka qabsoontay ahaayeena, dhamaan gaadiidka loo isticmaalayo hawlahaasi ay ahaadaan mid ay leeyihiin dadka deegaanadaa diwaangelintu ka bilaabmayso.

Dhinacooda xubnaha komishanka doorashooyinka qaranka waxay sheegeen, inay si buuxda diyaar ugu yihiin ka hawlgalka isdiwaangelinta codbixiyeyaasha e deegaamada bariga Somaliland, sida ugu dhakhsaha badana ay uga hawlgelidoonaan.

Madaxweynaha oo soo gebegabeeyey kulankaas ayaa bogaadiyey sida ay ilaa hada u socoto hawsha diwaangelinta codbixiyeyaashu, waxa klae oo uu ku dardaaray in la-laba jibaaro lana dedaalo hawsha isdiwaangelinta codbixiyeyaasha, taas oo uu ku tilmaamay mid masiiriya oo aayaha ummaddu ku fadhiyo.
DSC_0001

DSC_0002

DSC_0003

DSC_0004

DSC_0126

DSC_0129

DSC_0130

DSC_0137

DSC_0139

DSC_0149

????????????????????????????????????
????????????????????????????????????

DSC_0162
ALLAA MAHAD LEH

Cabdiraxmaan Sh. Cilmi Fahiye (Shamax)
Af-hayeenka Madaxtooyada JSL.