Madaxweynaha oo shacbiga iyo Aqoonyahanka ka Tacsiyadeeyey Geerida Marxuum Maxamuud Caydiid Laf-cambe oo Canada ku geeriyooday Maanta

0
345

Madaxweynaha oo shacbiga iyo Aqoonyahanka ka Tacsiyadeeyey Geerida Marxuum Maxamuud Caydiid Laf-cambe oo Canada ku geeriyooday Maanta

TACSI MADAXWEYNE-23/04/2016-IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN

Hargeysa(Warsugannews)Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Siilaanyo, isagoo ku hadlaya magaciisa iyo ka shacbiga Somaliland waxa uu dhambaal tacsi ah u dirayaa aqoonyahanka, waxgaradka, waayeelka, qoyskii, eheladii, qaraabadii, asxaabtii iyo guud ahaan shacbiga Somaliland ee uu ka maxay Alle ha u naxariistee Marxuun Maxamuud Caydiid Laf-cambe oo ku geeriyooday dalka Canada maanta oo taariikhdu tahay 23/03/2016, kadib xannuun uu in dhawaydba u jiifay.

Madaxweynuhu waxa uu Marxuumka ku sifeeyey aqoonyahan ka baxay dalka iyo dadkaba kana mid ahaa dadka muxtarimka ah ee caanka ka ah guud ahaan Somaliland, qayb weyna ku lahaa halgankii iyo nabadayntii beelaha wada dega Somaliland, waxanu marxuumku wakhtigan xubin ka ahaa xildhibaannada Golaha Dhexe ee xisbiga KULMIYE, isoo ahaa xubnaha ugu firfircoon ee taban-tabada iyo taabo gelinta, fadhigooduna ahaa waqooyiga amareerika ee xisbiga Kulmiye.

Madaxweynuhu waxa uu marxuumka Alle uga baryayaa inuu naxariistiisa janno geeyo, aqoonyahanka, waayeelka, waxgaradka, qoyskii, eheladii, qaraabadii, asxaabtii iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxdayna Samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.

IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN
Cabdiraxman Sh. Cilmi Fahiye (Shamax)
Af-hayeenka Madaxtooyada JSL.