Madaxweynaha oo shacbiga ka Tacsiyadeeyey laba Marxuum oo maanta Geeriyooday

0
342

Madaxweynaha oo shacbiga ka Tacsiyadeeyey laba Marxuum oo maanta Geeriyooday
TACSI MADAXWEYNE-28/02/2016
IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN

Hargeysa(Warsugannews)Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Siilaanyo Isagoo ku hadlaaya magaciisa iyo ka shacbiga Somalilandba waxa uu shacbiga ka tacsiyadaynayaa geerida ku timid marxuumiinta kala ah, Marxuum Maxamed Xaaji Cabdiraxmaan Gadhyare iyo Marxuum Mujaahid Axmed Maxamed Xasan Awowo(Axmed Jabaan) oo Taariikhda maanta 28.02.2016 ku geeriyooday magaalada Hargeysa.
Madaxweynuhu wuxuu si gaara tacsidaa ugu dirayaa Qoysaskii, Qaraabadii, Eheladii, Asxaabtii iyo Shacbiga Somaliland ee ay ka bexeen.

Madaxweynuhu waxa uu labada marxuum ku sifeeyey kuwo magac ku lahaa dalka iyo dadkaba, iyagoo kala ahaa halgamaa ka soo qaybqaatay xorayntii wadanka iyo aqoon yahan door muhiima kaga jiray dib u dhiska iyo horumarka dalka.

Madaxweynuhu waxa uu marxuumiintaa ALLE uga baryayaa inuu naxariistii janatu fardawsa ka waraabiyo Qoysaskii, Qaraabadii, Eheladii, Asxaabtii iyo Shacbiga Somaliland ee ay ka baxeena samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.

IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN

Cabdiraxmaan Sh. Cilmi Faahiye (Shamax)
Af-hayeenka Madaxtooyada JSL.