Madaxweynaha Oo Tacsi diray Shacbiga iyo Eheladii uu ka baxay Marxuum Muuse Madoobe oo hore u soo ahaa Wasiirudawlihii Arrimaha Gudaha, Wasiirudawlihii Biyaha iyo Macdanta iyo Maayarkiii Burco oo Hargeysa ku geeriyooday Maanta
TACSI MADAXWEYNE-24/01/2017 – IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Silaanyo, isagoo ku hadlaya magaciisa, ka dawladda iyo ka shacbiga Somaliland waxa uu tacsi u dirayaa siyaasiyiinta, aqoonyahanka, waxgaradka, waayeelka, qoyskii, eheladii, qaraabadii, asxaabtii iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxay ALLE ha u naxariistee Marxuum Muuse Cabdi Maxamuud (Muuse Madoobe) oo ku geeriyooday 24/01/2017, Magaalada Hargeysa.
Madaxweynaha qaranka Somaliland waxa uu marxuumka ku sifeeyey siyaasi door muhiima ka soo qaatay dib u dhiskii dalka iyo nabadayntii beelaha Somaliland wada dega. Waxaanu marxuumku la soo shaqeeyey xukuumadihii kala danbeeyey isagoo mar ahaa maayarka magaalada Burco, wasiiru dawlihii hore ee wasaarada arimaha gudaha iyo wasiiru dawlihii hore ee wasaarada macdanta iyo tamarta Jamhuuriyadda Somaliland.
Madaxweynuhu waxa uu marxuumka ALLE uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo, siyaasiyiinta, aqoonyahanka, waxgaradka, waayeelka, qoyskii, eheladii, qaraabadii, asxaabtii iyo guud ahaan shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.
IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN
Xuseen Aadan Cige (Deyr)
Af-hayeenka Madaxtooyada JSL.