US: Guddoomiyaha gobolka Minnesota oo sarajoogga ka dhacay xilli uu khudbad ka jeedinayay baarlamaanka

0
339

Guddoomiyaha gobolka Minnesota ee dalkaasi Mareykanka Mark Dayton (69-jir) ayaa waxaa kusoo booday xannuun deg-deg ah xilli uu khudbad ka jeedinayay baarlamaanka gobolkaasi ee St. Paul kaas oo keenay in dhulka uu ku dhoco, loona gurmado.

Mr. Dayton oo isbuucaan buuxinaya da`da 70-sano ayaa mudo labaatan daqiiqo kaddib waxa uu dib u helay miirkiisa, waxaana uu miiska khudbadda uu kusoo laabtay isaga oo kaftama, cagahiisana ku socda.

Wararka ayaa sheegaya in 70 jirkan uu caafimaadkiisu liito, waxaana laba tooko oo uu xilka gobokaasi hayo laga dareemay caafimaad darro dhanka isku aadinta hadalka ah, bowdo iyo dhabar xanuun.

Sannadkii tagay oo ay taariikhdu ku beegneyd Jan. 31, 2016, ayaa waxaa  uu Dayton habeen ku baryay isbitaalka kaddib markii uu sidan oo kale xafladd uu ka hadlayay uu sarajoogga ka dhacay.