Markab hub sida oo xalay lagu qabtay magaalada Kismaayo

0
603
Maamul goboleedka Jubbaland ayaa gacanta ku dhigay markab siday bagaash ganacsi iyo alaabo kale, kaasi oo lagu soo dhex qariyay hub fara badan,waxaana markabkani uu u kireysnaa ganacsade caan ka ah magaalada Kismaayo.

Markabkan oo ka diiwaan-gishan Magaalada Pretoria ee Caasimadda Wadanka South Africa, ayaa gelinkii dambe ee Axadii ku soo xirtay Dekeda Magaalada Kismaayo, xilli Maamulka Jubbaland loo sheegay in ganacsi uu sido.

Sarkaal ka tirsan Madaxtooyada Magaalada Kismaayo, ayaa xaqiijiyay in markabkan uu u rarnaa ganacsadaha lagu magacaabo Cabdi Jamaal.

Sarkaalka ayaa sheegay in maamulka Jubbaland uu ogaaday hubka saaran markabkaasi, ka dib markii ay ku soo wargeliyeen shaqaale markabka ka dejinaayay rarka ganacsi.

Sarkaalkan oo ka gaabsaday in magaciisa loo adeegsado Warbaahinta, ayaa yiri “Markabkan wuxuu ka diiwaan-gishan yahay Magaalada Pretoria. 22-kii bishan ayuuna ku soo xirtay Magaalada Kismaayo. Markabka ayaa ku yimid Dekeda Kismaayo badeeco inuu wado.”

“Ganacsade Cabdi Jamaal, oo ah ganacsade caan ka ah magaalada Kismaayo ayuuna u rarnaa markabka, Ganacsadahan ayaa la sheegayaa inuu ka soo jeedo dadka reer Puntland ee degan Magaalada Kismaayo.”

“Ciidamada Jubbaland ayaa xalay bilaabay inay hubka ka soo dejiyan markabka, Hubka la qabtay waxaa ku jira jiib gacmeedyo, qoryaha daba-jeexa ah, baasuukaha garabka laga tuuro iyo bistoolado fara-badan.”

Maamulka Jubbaland ayaan weli ka hadlin hubka ay ku qabatay Dekeda Kismaayo iyo waxa ay ka yeeli doonaan, waxaana laga yaabaa in maanta maamulka uu war ka soo saaro arintaasi.