Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye oo tacsi u diray eheladii iyo shacbiga Somaliland ee ay ka kala baxeen Marxuumiinta Cabdillaahi Faarax Maydhane iyo Muuse Cabdi Maxamuud (Muuse Madoobe)

0
359

XISBIGA MIDNIMADA IYO HORUMARKA JSL EE KULMIYE-24 January 2017

Hargeysa(WSN)TACSI GUDDOOMIYE-Guddoomiyaha xisbiga Midnimada iyo Horumarka Jamhuuriyadda Somaliland ee KULMIYE, ahna murrashaxa Madaxweynaha ee xisbiga Mudane, Muuse Biixi Cabdi oo ka wakiil ah hay’adaha Guddiga Fulinta, Golaha Dhexe, garabyada xisbiga, laamaha gudaha iyo dibadda iyo guud ahaanba taageerayaasha xisbiga KULMIYE waxa uu tacsi tiiraanyo leh u dirayaa qoyska, qaraabada, ehelada iyo guud ahaan shacabka Somaliland iyo reer Jabuuti geerida ku timi Alle ha u naxariistee Wasiirkii hore ee Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Somaliland Marxuum Cabdillaahi Faarax Maydhane oo ku geeriyooday magaalada Jabuuti ee dalka Jamhuuriyadda Jabuuti saaka oo taariikhdu tahay 24/01/2017, kadib xannuun ku soo booday.

Guyddoomiyuhu waxa uu ku tilmaamay Marxuum Cabdillaahi Faarax Maydhane inuu ahaa addoon wanaagsan oo jeclaa horumarka dalkiisa iyo dadkiisa, isla markaana wax badan ku soo kordhiyey waxqabadka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha muddadii uu xilkeeda hayey oo uu u dambeeyey tartankii ciyaaraha gobollada ee la qabtay dabayaaqadii sannadka dhammaaday.

Waxa kaloo uu Guddoomiyuhu tacsi taa la mid ah u dirayaa qoyska, qaraabada iyo shacabka geerida ku timi Alle ha naxariistee Marxuum Muuse Cabdi Maxamuud (Muuse Madoobe) oo isna ku geeriyooday Hargeysa xalay oo ay taariikhdu ahayd 24/01/2017. Marxuumku waxa uu door wayn ka soo qaatay halgankii iyo nabadayntii dalka, isagoo xilal kala duwan ka soo qabtay xukuumihii soo maray dalka oo uu ka mid yahay xilka Maayarka magaalada Burco.

Guddoomiyuhu waxa uu Marxuumiintaasi Alle uga baryayaa inuu jannadiisa Firdowsa ka waraabiyo, qoysaska, qaraabada iyo shacabkaba Samir iyo Iimaan saadiq ah ka siiyo. Aamiin….Aamiin….Aamiin.

Xafiiska Warbaahinta ee xisbiga KULMIYE