Madaxweynaha oo tacsi u diray shacbiga iyo Qoyskii uu ka baxay marxuum Cabdiwahaab Xaaji Cabdilaahi Diiriye Gamgam oo Caawa si kedisa ugu geeriyooday Hargeysa

0
318

Madaxweynaha oo tacsi u diray shacbiga iyo Qoyskii uu ka baxay marxuum Cabdiwahaab Xaaji Cabdilaahi Diiriye Gamgam oo Caawa si kedisa ugu geeriyooday Hargeysa
TACSI MADAXWEYNE -26/07/2016
IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN

Hargeysa(Warsugannews)Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Silaanyo Isagoo ku hadlaya magaciisa, kan dawladda iyo ka shacbiga Somaliland, waxa uu tacsi u dirayaa, waxgaradka, waayeelka, aqoon yahanka, Qoyskii, Eheladii, Qaraabadii, Asxaabtii iyo shacbiga somaliland ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Marxuum Cabdiwahaab Xaaji Cabdillaahi Diiriye (Gamgam) oo 26/07/2016, Caawa xanuun ku soo booday ugu geeriyooday Hargeysa.

Madaxweynuhu waxa uu Marxuumku ku sifeeyey Aqoonyahan, fiiro dheer qaranka somalilandna ku lahaa taariikh ma guurto ah, door muhiimana ka soo qaatay nabadayntii, dib u dhiskii iyo horumarka dalka, isagoo siyaabo kala duwan ula soo shaqeeyey dawladihi kala dambeeyey ee Jamhuuriyadda Somaliland hoggaanka u hayey mudadaa rubuc qarniga ah ee ka soo wareegtay la soo noqoshada madaxbanaanida Somaliland.

Madaxweynuhu waxa uu marxuumka ALLE uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo, waxgaradka, waayeelka, aqoon yahanka, Qoyskii, Qaraabadii, Eheladii, Asxaabtii iyo Shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.

IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN
Cabdiraxman Sh. Cilmi Faahiye (Shamax)
Af-hayeenka Madaxtooyada JSL.