Madaxweynaha Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Axmed Maxamed Siilaanyo waxa uu maanta “11.02.2016” isugu yeedhay Ganacsatada kala Duwan ee Dalka+Sawiro

0
375
????????????????????????????????????

Madaxweynaha Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Axmed Maxamed Siilaanyo waxa uu maanta “11.02.2016” isugu yeedhay Ganacsatada kala Duwan ee Dalka.
Kulankan oo ujeedadiisu ahayd sidii loogu gurman lahaa Abaaro ba’an oo dalkeena iyo Dadkeenaba saameeyey qaybo ka mida.
Madaxweynaha oo shirkaasi ka hadlay waxa ka mid ahaa khudbadiisa:-
Asalaamu Calaykum
Mudanayaal
Milgo iyo maamuus weyn bay ii tahay in aan idinku martiqaado maanta munaasibadan qiimaha badan. Sida aad la socotaan, waxa dalka ka jira Abaaro ba’an, oo waxyeelo u gaystay xoolihii, daaqii iyo dadkiiba.
Abaarahaasi waxay si xun ugu habsadeen guud ahaan Gobollada Jamhuuriyadda Somaliland, gaar ahaan Galbeedka iyo bariga fog ee Dalka.
Wakhtigan xaadirka ah waxa halis ku jira ilaa 150,000 (oo qof), kuwaas oo inooga baahan inaynu u fidinno gurmad iyo gargaar deg-deg ah.
Mudanayaal
Waxaan idiinku yeedhay in aan idinku guubaabiyo Ganacsatadiinan sharafta leh, sidii aad uga qayb-qaadan lahaydeen gurmadka iyo kaalmada la gaadhsiinayo dadkaas tabaalaysan.
Ummadd kasta marka ay isu naxariisato, ayaa ilaahay u naxariistaa, casaa wajala. Sidaa darteed, waxaan maanta marti idiinka ahay aniga oo ah Madaxweynihii Qarankan, in aynu qaadhaan iyo mucaawimo golahan ugaga deeqno ama yaboohno bulshadeena ay abaaruhu saameeyeen.

Waxaan mar labaad idin xasuusinaya sidii uu rasuulkeenii suubanaa yidhi in uu ilaahay ina caawinayo inta aynu is-caawinayno.
Mudanayaal

Waxaan ku kalsoonahay in aad baaqan qaylo dhaanta ah gacan weyn ka gaystan doontaan, sidii caadada iyo dhaqanka idiin ahayd.

Ugu danbayn, waxaan idinku bogaadinaya kaalinta iyo doorka aad ganacsato ahaan kaga jirtaan dib-u-dhiska dalka, adkaynta nabadgelyada, kobcinta dhaqaalaha iyo daryeelka bulshada. ilaahay ayaad arrimahan ajar iyo xasanaad kaga heli doontaan, Eebe idamkii.

Waxaan ilaahay ka baryayaa in uu abaarta inaga soo jebiyo, cirkana madar khayr qaba inaga siiyo.
Waxaan ilaahay ka baryayaa inuu inoo naxariisto, baryo bini’aadam-na inaga badbaadiyo.

Sidoo kale waxa halkaasi ka hadlay Wasiirada Warfaafinta iyo Wasiirka Madaxtooyada.
“Wasiir Maxamuud Xaashi Cabdi waxa ka mid ahaa Hadaladiisa “Maanta Madaxweynaha Somaliland waxa uu la kulmay ganacsantada dalka, gaar ahaan kuwa uu ganacsigoodu ka jiro caasimada wadanka ee Hargeysa, kulankaas madaxweynuhu uu ganacsatada ka yeeshay waxa uu ugu gol lahaa inuu u soo bandhigo duruufaha abaaruhu wadankeena ku habsaday, wuxuu Madaxweynuhu meesha ka akhriyey khudbad dheer oo uu ku tusayey ganacsatada inay tahay maalintii wax la quudhi jiray , inay tahay maalintii aynu bulsho ahaan is caawin lahayn, maalintii ay tahay inaynu bulsho ahaan isu naxariisano, si inagana uu ILAHAY inoogu naxariisto, oo uu inoo caawiyo, Umadununa intay is caawinayaan ILAHAY-na wuu caawiyaa.
Waa masuuliyad Madaxweynaha Qaranka saaran, maadaa uu yahay madaxii, hogaankii iyo astaantii qarankan inuu duruufaha dalkan jiheeyo, Umaddana uu dariiq sax ah u sameeyo, maadaama ay dalka abaaro iyo duruufo adagi ku soo kordheen, isla markaana ay tahay wax ka qabashadeedu wax ka baxsan awooda iyo tamarta Xukuumada oo miisaaniyadeedu ay tahay mid meelo badan dhaboosha, oo waxa Abaaraha loogu tallo galayna ay yihiin wax aan ku filnayeyn, dhinaca kalena Diiwaankii Sakada ee Madaxweynuhu uu sameeyeyna wali aanu hano qaadin. Hadii maanta diiwaankaas sakada ay hanti inoogu jirto cidna umaynaan yeedhneen. Sababtaas ayaa uu Madaxweynuhu ugu yeedhay ganacsatada inay gurmadkaas ka qayb qaataan iyo inay maanta deeq bixiyaan.
Shirkaasi si fiican ayuu u qabsoomay, ganacsataduna talooyin fiican ayey soo jeediyeen, waxana gunaanadkii shirku uu ku dhamaaday ganacsadadu waxay gudoomeen baaqii Madaxweynaha, waxanay ugu jawaabeen si wanaagsan, waxay isugu jireen laba qaybood, qayb golaha kaga dhawaaqday wixii ay bixinaysay iyo qayb aan go’aankeedu mid ahayn oo shirkado ka socday oo balan qaaday inay isku noqdaan.
Gunaanadkii shirka uu Madaxweynuhu gudoominayey waxa ka soo baxay oo Ganacsadtada iyo Xukuumadu ay isku raaceen in guddi laba geesood ka kooban arrintan loo saaro, Ganacsato iyo culimo ilaa 11 xubnood ah, iyo shan xubnood oo dhinaca Xukuumadda ah, in 16 kaas xubnood ay maraan dhamaan ganacsatada dalka isla markaana ay jaangooyaan oo ururiyaan wixii tabarucaad ah ee aynu ugu taloo galnay dadkeena baahan ee abuuruhu saameeyeen.
Hantidaas waxa si wada jir ah u maamulaya gudidaas ka kooban Ganacsatada, Culimo-Awdiinka iyo xubnahaas masuuliyiinta dawladda ka socda, shilin waliba halka uu galay xogo-gaal ayey ka noqon doonaan ganacsatadu.
Dhinaca kale Dawlad ahaan anaguna waxaanu bixin doonaa wixii kaalmo ah ee Itaalkayaga ah, haday tahay Golaha Wasiirada, Golayaasha qaran ee Wakiilada iyo Guurtida, shaqaalaha dawladda, dhamaantood waxay bixin doonaan tabarucaad mushaharooyinkooda laga gooyo, sidii caada noo ahaan jirtay xiliyada abuuruhu ay dalka ka dhacaan.
Xukuumaddu dadaalo badan oo kale ayey samayn doontaa, waxay iyadu jeebkeeda, ama Miisaaniayda qaranka ka bixiso, iyo waxay baaq gurmad ah u dirto dalalka aynu saaxiibka nahay, iyo aduun waynahaba. Arrimahaas oo dhan waxa ka mudan inaynu ILAHAY Subxaana wa Tacaalaa, kaashano oo barino isaga ayaa cid walba inooga dhaw. Marka lag yimaado inaynu nahay umadd ayna tahay inaynu isku tashano oo isku duubnaanaa waa waajib.
Waxaanu bulshada Somaliland ugu baaqaynaa inay aanay maanta waxba isula hadhin, walaahaooda tabaalaysan ee dhibaataysana ay kaalmo wayn u gaystaan, wixii aynu aduun hayno ILAHAY ayaa iska leh, inagana ILAHAY ayaa ina leh, kuwa baahan waa Walaaldeen, waa laynagu imtixaanayaa, sidaa darteen xaalad adag ayeynu ku jirnaa, waxaanu bulshada ku baraarujinaynaa inaynu diyaar garow adag galno oo qorshe ayeynu arrimaha ka samayn doonaa oo ku taloo gal dhaw iyo mid fog-ba leh, ALLAH ha inagu guuleeyo.”

????????????????????????????????????
????????????????????????????????????

????????????????????????????????????
????????????????????????????????????

DSC_0003

????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????

DSC_0097

DSC_0101

DSC_0106

DSC_0118

DSC_0120

DSC_0121

????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????