Madaxweynaha Shiinaha Oo Doonaya Inuu Booqdo Garoonka Old Trafford, Balse Ka Baqanaya Inay Ka Xumadaan Shacabkiisu…!!

0
389

Madaxweynaha Shiinaha Oo Doonaya Inuu Booqdo Garoonka Old Trafford, Balse Ka Baqanaya Inay Ka Xumadaan Shacabkiisu…!!

Madaxweynaha dalka Shiinaha Xi Jinping oo booqasho 4 maalmoood ah ku iman doona dalka England ayaa sheegay inuu jeclaan lahaa inuu booqdo garoonka kooxda Manchester United ee Old Trafford kaas oo uu sheegay inuu mar uun doonayey inuu soo arko.

Hogaamiyaha dalweynaha Shiinaha Xi Jinping ayaa la sheegay inuu ka cabsi qabo inay ka xumaadaan dad baddan oo u dhashay dalkiisa oo taageera Manchester City kuna sugan magaaladda Manchester, mana awoodo ayaa la leeyahay inuu tago garoonka Etihad Stadium.

Kooxda Manchester United ayaa ah kooxda ugu taageeraha baddan caalamka oo dhan waxaana taageera dad baddan oo magac weyn ku leh dunida sida muuqatana Madaxweynaha Shiinaha ayaa ka mid ah taageerayaasha aadka u jecel kooxdan.
Labada naadi ee ka wada dhisan Magaaladda Manchester ayaa sidoo kale waxa ay leeyihiin taageerayaal aad u baddan oo dalka Shiinaha u dhashay waxaana magaaladdaas degan dad baddan uu dalkaas ka soo jeeda kuna leh ganacsi aad u baddan.

Madaxweynaha Shiinaha ayaa berri soo gaadhi doona England waxa uuna la kulmi doonaa ra’iisul wasaaraha dalkaas David Cameron, waxa ayna ka wada hadli doonaan arrimaha dalka Syria iyo sidii loo xalin lahaa colaada dabada dheeraatay ee halkaa ka jirta sannadihii la soo dhaafay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here