Madaxweynaha Siilaanyo waxa uu kulan muhiima la qaatay gudoomiyayaasha maxkamadaha rafcaanada ee gobolada ugu sareeyey iyo gudoomiyayaasha maxkamadaha gobolada Dalka dhamaantood + SAWIRO.

0
460
????????????????????????????????????

Madaxweynaha Siilaanyo waxa uu kulan muhiima la qaatay gudoomiyayaasha maxkamadaha rafcaanada ee gobolada ugu sareeyey iyo gudoomiyayaasha maxkamadaha gobolada Dalka dhamaantood + SAWIRO.

Hargeysa(Warsugannews)13.03.0216 Kulankan ayaa noqonaaya kii u horeeyey ee muddo 24 sanno ah ay la kulmaan Madaxweynaha qaranka, gudoomiyayaasha maxkamadaha rafcaanada ee gobolada ugu sareeya iyo gudoomiyayaasha maxkamadaha gobolada Dalka dhamaantood, fursadan oo uu siiyey madaxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo, Bahda garsoorka ayaa daba socota dardargelinta iyo dhiirigelintii ay ka heleen madaxweynaha qaranka mudadii uu xilka qaranka hayey, muujiyeyna dedaal iyo juhdi fara-badan oo uu geliyey sidii dalka ay uga hirgeli lahayd cadaalad ka farxisa qof kasta oo xaq ku socda, tirsanaayana cadaalad daro.

Markii kulanku dhamaaday waxa saxaafada si wada jira ula hadlay Wasiirka Madaxtooyada iyo Gudoomiyaha Maxkamada sare.
Ugu horayna waxa halkaa ka hadlay Gudoomiyaha Maxkamadda Sare ee Somaliland Aadan Xaaji Cali Axmed waxaana hadaladiisii ka mid ahayd ” Maanta halkan waxaa isugu yimi garsoorkii gudoomiyayaashii maxkamadaha rafcaanada ee gobolada ugu sareeyey iyo gudoomiyayaashii maxkamadaha gobolada dhammaan wadankoo dhan Madaxweynuhuna maanta wuu casuumay si uu ugala hadlo dardar gelinta garsoorka iyo cadaalada markaa si fiican buu Madaxweynuhu u qaabilay waxaan uga mahad naqaynaa sida fiican ee uu madaxweynuhu u soo dhaweeyey waana markii ugu horaysay ee gudoomiyayasha maxkamadaha rafcaanada gobolada wadanka oo dhan qasriga madaxtooyada madaxweynuhu ku qaabilo iyo inta la xusuusan yahayba waayo hore umay dhici jirin waxaanay badh ka tahay dardar gelinta uu madaxweynuhu hogaaminayo ee garsoorka iyo cadaalada wax lagaga bedelayo.

Markaa anigoo ku hadlaaya afkii garsoorka iyo cadaalada madaxweynaha aad baan uga mahad naqaynaa si fiican buu u qaabilay waa lays xogwaraystay talo iyo tusaaluu madaxweynuhu usoo jeediyey.

Sidoo kale gudoomiyeyaashu waxay mdaxweynaha u soo jeediyeen wixii talooyina iyo wixii rayi ah ee ay hayeen, waxaa kaloo aan aad uga mahad naqaynaa Madaxweyne ku xigeenka oo kulanka kala qeyb qaatay iyo Wasiirka Madaxtooyada Maxamuud Xaashi iyo Xogahayaha gaarka ah ee Madaxweynaha Mudane Cali Amxed Cali, markaa hadaanu nahay bahdii garsoorka aad baan Madaxweynaha iyo Team-kiisa uga mahad naqaynaa sida fiican ee ay noosoo dhaweeyeen waanu soconayaa xidhiidhkaasiyoo Madaxweynaha waxaa ka go’an inuu dib u habayn weyn ku sameeyo cadaalada si ay dadku u helaan adeeg cadaaladeed oo hufan markaa taasaanu anaguna ku shaqaynaynaa”

Ugu danbayn waxa isna hadalka soo xidhay Wasiirka Wasaaradda Madaxtooyada JSL, Maxamuud Xaashi Cabdi ” waxa hadaladiisi ka mid ahaa, Kulankan maanta ee ka dhacay Qasriga Madaxtooyada JSL Madaxweynuhu wuxuu ku qaabilay sidaa Gudoomiyaha Maxkamadu sheegay Md: Aadan Xaaji Cali Gudoomiyayaasha iyo Maxkamadaha Gobolada Racfaanada ee dalka oo dhan wuxuu ahaa kulan qiimihiisa leh oo aad u muhiima waxay bahda garsoorka iyo madaxda cadaalada ee gobolada kala duwani ka warameen waayaha iyo duruufaha masuuliyada ay qarankan u hayaan iyo wixii u qabsoomay.
Madaxweynaha JSL wuxuu uga mahadnaqay isbedelka laxaadka leh ee bahda garsoorku Gudoomiyaha Maxkamada sare iyo iyo Guddiga Cadaaladu ka wadaan oo isaguna bartilmaameed u ah Madaxweynaha Maamulkiisa sida aad xogagaalka, ka tihiin Khudbad sanadeedkii sanadkan ee Madaxweynuhu Golaha Wakiilada iyo Golaha Guurtida ka hor jeediyey, waxaa uu khudbadiisii si xoogle ugaga hadlay garsoorka somaliland iyo isbedelka uu u arko inuu ka imanayo, Garsoorku waa waax madaxbanaan oo hadana Madaxweynaha hoos yimaada masuuliyada qaranka waaxyaha kala duwan odhamina Madaxweynaha ayey hoos yimaadaan.

Madaxweynuhu ilaa 11-qodob oo waxqabada buu sheegay khudbadaa Madaxweynaha ee sanadkani Hay’adaha dawladda ee kale waxqabadkooda midna kama waramin Siyaasada iyo arrimaha dhaqaalaha iyo arrimaha noloshada saamynta ku leh bulshaduu ka hadlayey laakiin garsoorka xoog buu isu barbartaagay khudbadii ugu dheerayd dhinaca garsoorka ama ugu xuska weynayd bay ahayd ujeedaduna waxay iftiiminaysay muhiimada garsoorku u leeyahay cadaaladda iyo nolosha bulshada Somaliland.

Waxaanu aaminsanahay in garsoorka somaliland waa cusub u baryey in uu maanta dariiq wanaagsan hayo waxaa runtii Madaxweynuhu ku guubaabiyey gudoomiyayaashaa gobolada ee kala duwan in isbedelkaa xaqiijiyaan inay ummadda cadaalada gaadhsiiyaan, inay ummadda cadaalad ku dhaqaan, in kalsoonidii bulshada ee bahda cadaalada niyad jabkii kaga dhacay dib loo nooleeyo oo ummaddu aaaminto garsoorka iyo cadaalada, sharciga iyo kala danbaynta, Waxaanu ugu danbayn hambalyeynaynaa u mahad naqaynaa dhammaan masuuliyiinta kala duwan siday xilkooda u gudanayaan waayaha iyo duruufaha ku gedaamana inay u dul qaataan ayaanu ku waaninaynaa kula dardaarmaynaa wixii lagala qaban karana dhamaanteedba Madaxweynuhu runtii waxyaalo badan uu balan qaaday inuu wax kala qabto.”

????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????

????????????????????????????????????
????????????????????????????????????

Wa-bilaahi Tawfiiq