Madaxweynaha Somaliland iyo Wefti uu Hoggaaminaayo Oo Galabta Diyaar Khaasa ka Raacay Madaarka Egal International Airport Iyagoo U Safray Dalalka Imaaraadka Carabta iyo Ingiriiska

0
457

Hargeysa(WSN)WAR-SAXAAFADEED: 26 /09/2016-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Axmed Maxamed Silaanyo iyo wefti uu hoggaaminayo ayaa galabnimadii maanta 26.9.2016 (6: 12, Saacadda Hargeysa) safar-hawleed ugu kicitimay dalalka Imaaraadka Carabta (UAE) iyo Ingiriiska (UK). Madaxweynaha waxa safarkiisa ku wehelinayey Marwada koowaad ee Qaranka Amina-weris Sheekh Maxamed Jirde, Wasiirka Madaxtooyada Maxamud Xaashi Cabdi, Wasiirka Arrimaha Dibedda & Iskaashiga Caalamiga Dr. Sacad Cali Shire, iyo Guddoomiyaha ahna Musharraxa Xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi.

Safarka Madaxweynaha iyo weftigiisa oo qaadan doono maalmo dhawr ah (haddii Allah Idmo) wuxuu daaran yahay dar-dargelinta hawlo Qarankeena muhiim u ah oo inaga dhexeeya Waddamada Imaaraadka Carabta iyo Ingiriiska, gaar ahaan dhinacyada Dhaqaalaha, Horumarka iyo Iskaashiga, iyo arrimo kaleba. Madaxweynaha iyo weftigiisu waxay ku sii hakan doonaan Dubai, halkaasna waxay uga sii gudbi doonaan London (Bi Idmillah).

dsc_0002

dsc_0008

dsc_0009

dsc_0012

dsc_0013

dsc_0014

dsc_0016

dsc_0021

dsc_0022

dsc_0028

dsc_0030

ALLAA MAHAD LEH
Xuseen Aadan Cige (Xuseen Deyr)
Af-hayeenka Madaxtooyada JSL.