Madaxweynaha Somaliland Oo Cisbitaalka Ku Booqday Abwaankii Waynaa Ee Cali Sugule Duncarbeed. +Sawiro

0
577

Madaxweynaha Somaliland Oo Cisbitaalka Ku Booqday Abwaankii Waynaa Ee Cali Sugule Duncarbeed. +Sawiro

Dubai (Warsugannews) Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mud. Axmed Maxamed Maxamuud (Silaanyo) oo ku sugan Waddanka Imaraadka Carabta, ayaa Cisbitaalka Magaalada Cujmaan, ku booqday Abwaanka weyn ee Cali Sugule Duncarbeed.

Madaxweynaha Somaliland oo ay wehelinayaan Wasiirka Madaxtooyadda Xirsi Cali Xaji Xasan iyo Safiirka Somaliland u fadhiya dalka Imaraadka Carabta, Baashe Cawil Xaji Cumar ayaa Abwaanka alle uga baryay inuu caafimaad sareecana siiyo. Madaxweynaha Somaliland oo markii uu qolka uu Abwaanku ka jiifo Cisbitaalka soo galay ka hadlaaya dareenkiisa waayihii ay saxiibka ahayeen iyo tariikhdii Abwaanka wuxuu yidhi.

“Abwaan Cali Sugule Duncarbeed, ayaan maanta Cisbitaalka ugu imi oo aan ku soo booqday oo xanuun sanaaya illahay waxaan ka baryayaa inuu caafimaad siiyo, Cali Sugule waa nin weyn oo tariikhda meel ku leh oo hal abuur leh marka alle ha shaafiyo”. Sidaa waxaa yidhi Madaxweynaha Somaliland.

Geestooda waxaa iyaguna ka hadlay booqashada Abwaanka Wasiirka Madaxtooyada iyo Safiirka Somaliland ee Imaraadka, waxayna alle uga baryeen inuu caafimaad sareecana siiyo Abwaan Cali Sugule. Dhinaca kale Khadar Cali Sugule oo ku hadlaayay afka qoyska Abwaanka oo ah aabihii ayaa siweyn ugu mahadnaqay Madaxweynaha Somaliland oo uu sheegay inuu mar kasta ka warhayay Xaalada Abwaan Cali Sugule, sidoo kale wuxuu u mahadceliyay Safiirka Somaliland ee dalka Imaraadka Baashe Cawil iyo Wasiirka Warfaafinta Cabdillaahi Maxamed Daahir (Cukuse) oo hore Abwaanka iyagoo Madaxweynaha matalaaya booqasho iyo tageeraba ugu yimi.
1

2

3

4

5

12027781_10153641162263535_8367925856768043616_n

12036450_10153641162443535_6417687881813641113_n

12038475_10153641162638535_3265807957795848328_n

12041785_10153641163503535_959365023_n

12053347_10153641163798535_1567110484_n

12063450_10153641164798535_6123243067295455917_n

12063551_10153641162038535_2776603195499423339_n

12083989_10153641163973535_771739413_n
Muniir Axmed Cigaal
Weriyaha Weftiga Madaxweynaha JSL
DUBAI

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here