Madaxweynaha Somaliland oo Dalka ku soo laabtay Hambalyana u kala diray Shacbiga Turkiga iyo Waxgaradka Awr-boogays ee Fuliyey gogoshii Nabada + Sawiro

0
636

Madaxweynaha Somaliland oo Dalka ku soo laabtay Hambalyana u kala diray Shacbiga Turkiga iyo Waxgaradka Awr-boogays ee Fuliyey gogoshii Nabada + Sawiro

Hargeysa(Warsugannews)WAR-SAXAAFADEED:21/07/2016-adaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Axmed Maxamed Silaanyo, oo ay weheliyaan Marwada Koowaad ee Qaranka, Marwo Aamina-weris Sheekh Maxamed Jirde iyo Xoghayaha gaarka ah ee Madaxweynaha Mudane, Cali Axmed Cali ayaa galabta oo Khamiis ah dib ugu soo guryo noqday dalka, ka dib markii ay soo dhamaysteen todobaad nasasho ah oo uu ku joogay madaxweynuhu Magaalada Busra ee dalka Turkiga.

Madaxweynaha oo socdaalkiisu ahaa mid khaasa, sidaan hore u sheegnay ayaa dalkaasi waxa ka dhacay intii uu ku sugnaa isku-day inqilaab, kaasoo ay fashiliyeen shacbiga dalkaasi oo si buuxda ugu hiiliyey madaxweynaha iyo dawladda ay soo doorteen, iyadoo madaxweynaha Somaliland, wax-alla-wax saamayn ah aanu ku yeelan afgenbigaa dhicisoobay.

Madaxweynaha ayaa markii uu dalka ku soo laabtay waxa uu hambalyo u diray shacbiga dalka turkiga sida ay u taageereen dawladdooda iyo madaxweynahooda iyo sida geesinimada iyo waddaninimada leh ee ay isku hortaageen kuwii damacsanaa inay xukunka ka tuuraan dawladda sharciga ah ee la soo doortay, waxaanu sheegay madaxweynuhu inay taariikh dhigeen ummadda reer Turki, ka dib markii ay diideen, kana horyimaadeen kacdoonka ciidamada qaarkood ku kaceen.

Ugu dambayn madaxweynuhu waxa uu dhambaal hambalyo ah u diray duqayda, waxgaradka, Madax-dhaqameedka, siyaasiyiinta, bulshada gobolada, Sanaag, Xaysimo iyo Sool, ajiibida ay kaga qaybgaleen gogoshii nabadeed ee uu hore u fidiyey Madaxweynuhu iyo heshiiska ay ka gaadheen fadhigii maalmaha qaatay ee ku qabsoomay degmada Awr-boogays laguna ansixiyey heshiiskaas, dadka deegaankuna ay isku raaceen inay ummaddooda Somaliland wax la qaybsadaan, waxna la wada qabsado, iyadoo laysku duuban yahay, meelna looga soo wada jeedo danta qaranka oo qof walba faa’iido u ah, sidoo kalena waxa uu bogaadiyey una mahadnaqay intii kasoo shaqaysay arrintaa taariikhiga ah.

madaxweynaha waxa ku soo dhaweeyey madaarka Caalamiga ah ee Cigaal International Airport, Madaxweyne ku xigeenka Somaliland, xubno ka mida golaha wasiirada, xildhibaano, culimo awdiin, madax-dhaqameed, taliyeyaasha Ciidamada iyo bulshada qaybeheeda kala duwan qaarkood.

1

2

3

4

5

6

7o

13717913_10210055939137307_1609026039_o

13718151_10210055927977028_1669325430_o

13720454_10210055938777298_926528035_o

13720466_10210055931297111_2067534521_o

13720578_10210055926496991_116085821_o

13720637_10210055931017104_782003171_o

13728242_10210055928377038_645034206_o

13728364_10210055930017079_1482838242_o

13728493_10210055927537017_1675700440_o

13728523_10210055927857025_1976838324_o

13728523_10210055928297036_1959882376_o

13728525_10210055926977003_1025736863_o

13730503_10210055926536992_1917095320_o

13730567_10210055937297261_1314417003_o

13730605_10210055930537092_1412800055_o

13730663_10210055929457065_2088962200_o

13730666_10210055933257160_690831383_o

13730758_10210055930217084_616334373_o

13833084_10210055928857050_125980753_o

13833105_10210055927497016_358898647_o

13833204_10210055933737172_566084218_o

13833345_10210055927137007_751373642_o

13833356_10210055930977103_1707215805_o

13833368_10210055993338662_764058838_o

13833385_10210055929697071_821143066_o

13833407_10210055930497091_811870653_o

13833437_10210055992898651_2138923472_o

13833441_10210055928457040_1836690168_o

13833506_10210055735772223_444614881_o

13835458_10210055932537142_1435478422_o

13835581_10210055927177008_1770320584_o

13835618_10210055937337262_607247536_o

13835634_10210055932497141_1504418137_o

13835846_10210055933697171_1392845232_o

13836008_10210055931937127_2146977785_o

13836066_10210055937137257_1946072750_o

13838028_10210055930097081_493173131_o

13838110_10210055929857075_315637848_o

13838165_10210055933217159_758899951_o

13838302_10210055934697196_222238112_o

13838363_10210055933777173_1867023050_o

13838388_10210055929737072_149286238_o

13838434_10210055934377188_1936920321_o

13838462_10210055930177083_1103624154_o
ALLAA MAHAD LEH
Cabdiraxman Sh. Cilmi Fahiye (Shamax)
Af-hayeenka Madaxtooyada JSL.