Madaxweynaha Somaliland Oo Ka Qayb-galay  Xus Ballaadhan Oo Loo Sameeyey Maalinta Cuntada Adduunka, Kana Jawaabay Cabashada Mucaaridka Ee Xubnaha Guddida Doorashooyinka + Sawiro

0
377

Madaxweynaha Somaliland Oo Ka Qayb-galay Xus Ballaadhan Oo Loo Sameeyey Maalinta Cuntada Adduunka, Kana Jawaabay Cabashada Mucaaridka Ee Xubnaha Guddida Doorashooyinka

Hargeysa-16-10-2019-()-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa ka qayb-galay munaasibad loogu dabbaaldegayo maalinta cuntada adduunka oo ku beegan 16-ka Bisha Tobnaad oo maanta lagu qabtay magaalada Hargeysa.

Munaasibaddan oo ay soo qabanqaabisay wasaaradda horumarinta beeraha Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa lagu soo bandhigay wax soo saarka kala duwan ee dalka kasoo baxa, waxana ka qayb-galay hay’adaha kala duwan ee dhinaca wax soo saarka ka taageera wasaaradda horumarinta beeraha, xubno ka mid ah beeralayda kala duwan oo ka kala yimi gobollada iyo degmooyinka dalka iyo masuuliyiin xukuumadda ka socota oo uu hoggaaminayo madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, waxana halkaas laga jeediyey hadallo lagu liishaamayo muhiimadda ay leedahay inay bulshadu ku dedaasho beerashada iyo tacabka dhulka, si looga maarmo gacan shisheeye.

Xubno ay kamid yihiin wasiirrada wasaaradaha horumarinta Biyaha, Mudane Saleebaan Yuusuf Cali Koore iyo Xannaanada Xoolaha iyo horumarinta Kalluumaysiga, Mudane Xasan Maxamed Cali (Gafaadhi) oo munaasibadda hadallo ka jeediyey, ayaa ku dheeraaday muhiimadda ay leedahay in bulshadu xil iska saarto sidii ay tacab badan u gelin lahayd beerista dhulka ay haystaan, lana soo baxaan cuntada ay cunayaan.

Wasiirka wasaaradda horumarinta beeraha, Mudane Axmed Muumin Seed, ayaa ku dheeraaday horumarka dhinaca wax soo saarka ah ee ay wasaaraddiisu ku tallaabsatay, waxana uu hoosta ka xarriiqay inay ka wasaarad ahaan hirgeliyeen mashaariic waaweyn oo kor loogu qaadayo heerka wax soo saar ee dalka, laguna yaraynayo ku tiirsanaanta dhinaca cuntada ee dunida kale.

Wasiirku waxa uu caddeeyey inay ka wasaarad ahaan meel wanaagsan marinayaan dedaalka ay ugu jiraan in shacabka reer Somaliland gacantooda kula soo baxaan cuntada ay u baahan yihiin, “Waxa noo qabsoomay inaannu ku dhiiranno annaga oo dadkana gacan ka helayna in wax soo saarka dalka kor loo qaado, maantana hubka qudha ee lagu daggaallamayaa waa cuntada, cid cuntada dibadda ku tiirsanina adduunka way yar tahay, Geeska Afrika ayeynu ku naallaa, waddan kasta oo Afrika kamid ahina waxa uu cunaa waxa uu isagu lasoo baxo, taas baannu annaguna doonaynaa annaga oo adiga garab kaa helayna inay Somaliland gaadho isku fillaansho dhinaca cuntada ah,” ayuu yidhi wasiir Axmed Muumin Seed.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi oo munaasibadda ka hadlay, ayaa wada-jir u bogaadiyey wasaaradda horumarinta Beeraha iyo bulshada ku hawllan tacabka beeraha ee u guntaday inay dhulkooda wax kala soo baxaan, waxana uu yidhi, “Waxa aan bogaadinayaa beeraleyda beeraha ka shaqaysa oo baaqayagii ugu horreeyey ahaa aynnu wax soo saarno waxtarkoodii iyo qodaalkoodii ku dhiirraday dhammaan gobollada oo dhan oo kor u qaaday wax soo saarkii beeraha, in badannina imika ku hawllan tahay inaanu taladaas wada qaadannay oo aannu hawshaas wada galnay oo aynnu u diyaar garowno inaynu cuntadeenna inagu soo saarno oo aynnu yarayno ku-tiirsanaanta dalalka shisheeyaha ah.

Madaxweynuhu waxa hogo-tusaaleeyey sida loogu baahan yahay in ganacsatada iyo dadka hantida haya looga rabo inay xukuumadda kala qayb-qaataan horumarinta dalka iyo hirgelinta danta guud, maadaama oo ay gacanta ku hayaan 80% (Boqolkiiba siddeetan) hantida Somaliland taalla.

Dhinaca kale, waxa uu madaxweynuhu waxa uu jawaab waafi ah ka bixiyey cabashooyin ay axsaabta mucaaridku ka muujiyey xubno uu madaxweynuhu u magacaabay Komishanka doorashooyinka cusub ee dhismahoodu gebogebada yahay, waxana uu tilmaamay inuu xubnahaas u gudbiyey ciddii awoodda u lahayd inay axadho oo ay hubiso, go’aanka ay ka qaataanna uu ku qanacsan yahay, “Labada xisbi ee mucaaridka ahi waxa ay keeneen labadii xubnood ee sharcigu siiyey, kumaan farogelin, waayo cid baa u dambaysa sharciga oo intayadaba dib u hubinaysa, sidii ay ahayd baanan u qaatay, Guurtiduna way ii keentay, iyana kuma farogelin oo xeerkaa ah in la is ixtiraamo, awoodda joojintana ma lihiye talo ayaan leeyahay, haddaan xataa wax qoonsado waxan odhan karaa xisbiyow malaha arrintaas sharcigaasaa ku gef ah oo Baarlamaanku way kugu qabsan doonaane halkaas ka sax, midnase ma odhan, anna intii sharcigu ii oggolaa uun baan kusoo daray,” ayuu yidhi madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, waxana uu intaas ku daray.

“Dadkaasna maxkamad baa la geynayaa, maxkamadduna waa Baarlamaanka, Baarlamaanka la leeyahay sharcigii aad dhigteen dadkaas lasoo naqeeyey ma waafaqsan yihiin, shirguddoonka Baarlamaanka oo qudhina ma laha arrintaase waxa leh gole weynaha, way faaqidi oo ka doodi, marka dambena cod bay u qaadi wixii ay soo celiyaanna, haddii aniga la igu soo celiyo iyo haddii xisbi lagu soo celiyoba ceeb ma ahee kuwo kale uun baa keeni oo waa la sixi, waayo sharciga ayaa sidaas oggol, haddii ay sii wada daayaanna waa awooddooda.”

Wa-bilaahi Tawfiiq