Madaxweynaha Somaliland Oo Lagu Casuumay Maxadka Nabada, Kulana La Yeeshay Hay’adda Horumarinta Iyo Maalgashiga Ireland

0
491

Madaxweynaha Somaliland Oo Lagu Casuumay Maxadka Nabada, Kulana La Yeeshay Hay’adda Horumarinta Iyo Maalgashiga Ireland.

Dublin (warsugannews) Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mud. Axmed Maxamed Maxamuud (Silaanyo) iyo wafdigii uu hoggaaminaayay oo booqasho rasmiya ku jooga dalka Ireland, ayaa lagu marti qaaday Maxadka Nabada iyo Xalinta Khilaafaadka ee Dalka Ireland oo magaceedu yahay (Glencree Centre For Peace & Reconciliation). Madaxda Maxadkan Caalamiga ah Mudane William Devas iyo ku-xigeenkiisa Eamon Rafter iyo masuuliyiin kale ayaa Madaxweynaha ku qaabilay xarunta Maxadka Nabada ee lagu casuumay, waxaana halkaas lagaga hadlay Horumarka Dhinaca Nabada ee ay Somaliland gaadhay, iyada oo si qoto dheer halkaas loogu xusay in Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) uu Astaan muuqata oo lagu daydo u yahay Mandaqada Geeska Afrika, door Shariif ahna uu ka soo qaatay Nabadgelyada ka hano qaaday Dalka Somaliland. Wasiirka Wasaarada Arrimaha debada Mudane Biixi Yoonis iyo Wasiirka Madaxtooyada Somaliland Xirsi Cali Xaaji Xasan iyo Wasiirka Wasaarada Caafimaadka Mudane Saleebaan Ciise Xaglotoosiye ayaa iyagu tilmaamay in Dalka Somaliland uu yahay Qaran Nabadiisa hoosta ka soo dhisay shacbigiisuna ay ku guulaysteen Dhismaha Qaran Nabdoon oo Dimuqraad ah.

Kulankan waxaa Madaxweynaha ku Wehelinayay Wasiirka Arrimaha Debada Maxamed Biixi Yoonis, Wasiirka Madaxtooyada Xirsi Cali Xaaji Xasan, Wasiirka Wasaarada Caafimaadka Dr. Saleebaan Xaglo Toosiye, Safiirka Wareega ee Somaliland Amb. Kaysar Cabdilaahi Maxamed, Safiirka Somaliland ee UK Amb. Cali Aadan Cawaale, La-taliyaha Madaxweynaha ee Hay’adaha caalamiga ah, Amb. Cabdifataax Siciid Axmed, iyo Xoghayaha Gaarka ah ee Madaxweynaha Mudane Cali Axmed Cali.

Geesta kale Wafdiga Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) waxay maanta kulamo balaadhan la yeeshay Hay’adaha Maalgashiga iyo Horumarinta ee Dalka Ireland iyaga oo la kulmay Madaxda ugu sarraysa hay’adahaas Investment and Development Agency (IDA) Marwo Eileen Sharps iyo Madaxa Enterprise Ireland Mudane Gary Ford oo uu wehelinayay Mudane Eain Ire.

Waxaa kulankan lagu soo bandhigay Kaalinta ay Hay’adahaasi kaga jiraan Dhismaha Dhaqaalaha iy Horumarka gancsiga ee Dalka Ireland uu la leeyahay Dunida, waxaanay ka war bixiyeen sida ay Jamhuuriyada Somaliland ay uga faaiidaysan karto dhinaca Horumarinta Ganacsiga iyo kor u qaadida Maalgashiga ay Dunidu ku samayn karto Dalka Somaliland oo ah Dal dihin oo khayraad balaadhan leh kuna yaalla goob istiraataji ah. Waxa kale oo ay madaxdaasi sheegeen inay ku farxeen Booqashada Madaxweynaha iyo Wafdigiisa, isla markaasna ay danaynayaan xidhiidh balaadhan oo dhex mara Somaliland iyo Ireland.

Wasiirka Wasaarada Arrimaha debada Mudane Biixi Yoonis ayaa si qoto dheer uga warramay Taariikhda Jamhuuriyada Somaliland iyo Khayraadka ku duuggan Somaliland, waxa uu wasiirku tilmaamay in Dalka Somaliland uu yahay Dal Nabdoon oo Dimuqraadi ah oo leh qawaaniin dhisan oo sahlaysa una fududaynaysa in Shirkadaha Dunidu ay Maalgelin ku sameeyaan Somaliland. Waxa isaguna halkaas ka hadlay Wasiirka Wasaarada Madaxtooyada Jamhuuriyada Somaliland Mudane Xirsi Cali Xaaji Xasan oo tilmaamay in la soo gaadhay xiligii ay Dundu Maalgashi ku samayn ahayd Somaliland. Waxa kale oo uu sheegay in Somaliland iyo Shacbigeedu ay yihiin kuwo dalkooda dib u dhisay diyaarna u ah inay horumar ku talaabsadaan, dunidana ay uga baahan yihiin taageero. Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamed Siilaanyo oo halkaas ka hadlay ayaa aad ugu mahadnaqay Madaxda Hay’adahaas iyo guud ahaan Shacbiga Ireland, waxaana uu xusay in Qaranka Somaliland iyo Shacbigiisu ay diyaar u yihiin inay wax la qabsadaan Dalka Ireland.

12067191_10153648368208535_1935344303_n

12067346_10153648368078535_1553245137_n

12071340_10153648369513535_56920162_n

12071481_10153648368138535_525478418_n

12076413_10153648367938535_1463985561_o

12082154_10153648367323535_1106647387_o

12082220_10153648367643535_360024202_o

12084978_10153648367083535_1537123798_o

12087393_10153648368403535_554694780_n

12087555_10153648368063535_1567785879_n

12092450_10153648369828535_1879998092_n

12092515_10153648367498535_1867550959_n

12112646_10153648367758535_930564013_o

12112808_10153648367883535_1589944356_o

12112976_10153648367778535_573612756_o

12113047_10153648367983535_130372402_o

12116234_10153648366988535_1079872199_o

12116637_10153648366793535_2122081535_o

12119546_10153648367698535_524772316_o

12124208_10153648367468535_205156266_o

Muniir Axmed Cigaal
Weriyaha Weftiga Madaxweynaha JSL
Dublin -Ireland

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here