Madaxweyne Axmed M Siilaanyo oo Madaxdhaqameedka iyo Shacbiga Somaliland ka tacsiyadeeyey Geerida arxuum Caaqil Cismaan Jaamac Gaas

0
389

TACSI MADAXWEYNE -20/04/2016-IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN
Hargeysa(Warsugannews)Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Siilaanyo, isagoo ku hadlaya magaciisa iyo ka shacbiga Somaliland waxa uu dhambaal tacsi ah u dirayaa madax-dhaqameedka, waayeelka, waxgaradka, Boqorada, ugaasyada, Cuqaasha, Salaadiinta, qoyskii, qaraabadii, eheladii, asxaabtii iyo guud ahaan shacbiga Somaliland ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Marxuum Caaqil Cismaan Jaamac Gaas, oo ku geeriyooday 20/04/2016, Magaalada Burco.

Madaxweynuhu waxa uu Marxuumka ku sifeeyey Oday qaran oo ka baxay dalka iyo dadkaba kana mid ahaa cuqashi hore ee soo jireenka ahaa, qayb weyna ka soo qaatay halgankii, dib u xorayntii iyo nabadayntii beelaha wada dega Somaliland.

Madaxweynuhu waxa uu marxuumka Alle uga baryayaa inuu naxariistiisa janno geeyo, madax-dhaqameedka, waayeelka, waxgaradka, Boqorada, ugaasyada, Cuqaasha, Salaadiinta, Qoyskii, Eheladii, Qaraabadii, Asxaabtii iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxdayna Samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.

IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN

Cabdiraxman Sh. Cilmi Fahiye (Shamax)
Af-hayeenka Madaxtooyada JSL.