Madaxweyne Axmed Siilaanyo Haduunbu Garaacay Al-baabkii loo Baahnaa!

0
631

Madaxweyne Axmed Siilaanyo Haduunbu Garaacay Al-baabkii loo Baahnaa!!

Tan iyo markii aynu la soo noqonay madaxbanaanideeni qadiyada Somaliland ee aynu ku hungawnay 1960kii, markii aynu la midawnay dadkii aynu u arkaynay walaaleheen ee Soomaaliya balse, noqday cadawgeena, ka dibna aynu iska dhicinay 1991kii markii aynu ku dhawaaqnay gooni isu-taaga qaranka Somaliland oo hadda laga joogo Rubuc qarni ama 25 Sanno, qarankani waxa uu u tafo xaytay oo uu u guntaday sidii uu caalamka uga dhaadhicin lahaa qadiyada Somaliland, taas oo muddo inagu qaataday.

Haseyeeshee wakhti xaadirkan aynu joogno waxa lagama maarmaan noqotay in aynu weji kala uga wareegno taasi oo aynu indhaha caalamka tusno awood ka duwan tii hore ee calaamadeedu ahayd ictiraaf raadin, iyo isbarasho aynu caalamka isku baraynay,

wakhtiganse waxa hubaala in aynu ka wareegi doono hadii uu madaxweyne silaanyo ka dhabeeyo dedaalkiisa uu wakhtigan ku joogo imaaraadka carabta ee uu heshiiska kula gelaayo isu-taga imaaraadka carabta sidii lagu cadeeyey war-saxaafadeedkii ka soo baxay madaxtooyada ee ahaa hadii aan idin xasuusiyo nuxurkiisa, Socdaalka hadda ee wefdiga Madaxwaynuhu gadhwadeenka ka yahay yoolkiisu waa imaaradda Dubai, midhaha ka dhasha kulanka labada geesoodna, waxa diiraddiisu saarnaan doontaa kaabayaasha dhaqaalaha ee dalka, gaar ahaan Saaxil, siiba magaalo marseedkeenna Berbera, oo la doonayo inay xuddun u noqoto isku xidhka Gacanka Carabta iyo Bariga Afrika, marsooyinka gobolkana la tartanto ama ka horreyso. Waxa wax laga qabanayaa, haddii Allah yidhaahdo, korontada Magaalada Berbera, madaarka, kastamada, dhinaca Dalxiiska, shaqo abuurka, tababarro shaqaalaha Dawalddu ka heli doonaan Imaaraadka, kuna jirto kordhinta maamul wanaaggu, iyo guud ahaanba mashaariic lagu kobcinayo dhaqaalaha dalka.

hadaba hadii madaxweynuhu ka dhabeeyo dedaalkaasi oo uu hirgalo heshiiskaasi waxa hubaala in qaranka somaliland helidoono cudud dhaqaale oo uu kula gorgortamo wadamada afrika gaar ahaan kuwa jaarkeena iyo in aynu helno dhaqaale aynu u adeegsano raadinta iyo dedaalka ictiraafka Somaliland ee aynu mudda dheer u guclaynaynay inagoo aan dhaqaale u hayn, hadase waxa aan dareemi karaa oo ii muuqda in caalamku inoo soo istaagi doono marka uu arko ilaha dhaqaale iyo dal ahaaneed ee ka ifidoona marsada berbera, iyo in aynu noqono dal iyo dad isku duuban oo aan ubadkoodu nolol xumo iyo werwer ugu daadan badaha liqay kumanaan da’a yarteena ah, waxaana dhici doonta marka aynu helno maalgelin iyo tacab in dunidu u soo tartami doonto Somaliland.

midna waa iga talo iyo soo jeedin aniga oo shacbiga Somaliland dareensiinaya kuna dhiirigelinaaya inay madaxweynaha ku taageeraan dedaalada uu dunida inteeda kale inagu xidhayo, inoogu abuurayana ilo dhaqan-dhaqaale, gaar ahaan waxan la hadlayaa walaalahayga reer saaxil oo aan leeyahay war madaxweynaha barbar istaaga sanad baa u hadhee sanadkaa nqoda gobolka madaxweynuhu uga tegidoono tacab aanay u soo dhididin oo weliba aad dheran doontaan walaalihiina gobolada bilaa baadka ah ee bilaa hodanka ah hadana ku qanacsan inay mar uun arkaa madaxweyne wax walba hooya leh ama waxaasan idinka tegayaa ee mana-facaadsada leh.

midna madaxweynaha ayaan u soo jeedinayaa oo waxa aan leeyahay mudane madaxweyne dedaalkaaga sii laban laab waad dedaashe halkaa ka sii wad oo noqo madaxweynihii u horeeyey ee dalkan u saxeexa dhaqaale ilal abid ah oo jil ilaa jiil la sii kala dhaxlo adna ajar ayaa kugu jira, ilahaas oo ay kow ka tahay ta aad u joogto imaaraadka.

ugu danbayna waxa aan ku dhaafayaa qormadayda intaa aan kor ku soo dhaafay hadii ay ka hirgasho somaliland madaxweynuhuna Alle ha ku guuleeye uu ku soo guulaysto qarankeenu wuxuu cagta saaray albaabkii horumarka iyo ictiraafka, waana mid qof walba oo muwaadina ku xidhan inuu dareenkiisa ka dhiibto oo uu ku barbar istaago qaranka sidii aynu mid u wada noqon lahayn si ayny uga faaiidaysano nimcada hodanka uu ku yahay dalkeenu balse u baahan in aynu dareeno kana faaiidaysano inagoo isku duuban oo ul iyo diirkeeda.

W/Q: Samriye Nuur Ismaaciil

mohsamriye999@gmail.com