Madaxweyne Axmed Siilaanyo oo Xeer Madaxweyne ku dhaqan geliyey Xeerka Ilaalinta Kaymaha iyo Duur Joogta Xeer Lr. 69/2015.

0
458
Madaxweyne Axmed Siilaanyo oo Xeer Madaxweyne ku dhaqan geliyey Xeerka Ilaalinta Kaymaha iyo Duur Joogta Xeer Lr. 69/2015.
WAR-SAXAAFADEED
Taariikh: – 12/01/2016
 
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Axmed Maxamed Siilaanyo waxa uu Digreeto Madaxweyne oo Summadeedu tahay JSL/M/WM/249-3775/012016 uu ku Dhaqan-geliyey Xeerka Ilaalinta Kaymaha iyo Duur Joogta Xeer Lr. 69/2015.
 
MADAXWEYNUHU:-
 
Markuu Arkay: Qodobka 90aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;
 
Markuu Arkay: Qodobka 75aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;
 
Markuu Arkay: Go’aanka Golaha Wakiillada Go’aan Lr. GW/G/KF- 29/673/2015 ee ku taariikhaysan 21/12/2015 ee ay ku ansixiyeen Xeerka Ilaalinta Kaymaha Iyo Duur Joogta JSL Xeer Lr. 69/2015
 
Wuxuu soo saaray
 
Xeerkan oo lagu baahinayo Dhaqan-galka Xeerka Ilaalinta Kaymaha Iyo Duur Joogta ee Jamhuuriyadda Somaliland Xeer Lr. 69/2015.
 
 
 
ALLAA MAHAD LEH
 
Af-hayeenka Madaxweynaha JSL
Xuseen Aadan Cige (Xuseen Deyr)