Madaxweyne Biixi Oo Tacsi U Diray Ciidamada Qaranka iyo Ehelada uu ka baxay Alle ha u naxariistee Marxuum Dhamme Cabdilaahi Maxamed Faarax (Soofadhiiste) oo ahaa taliyihii taraafikada Togdheer

0
560

TACSI MADAXWEYNE:31/01/2018-IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN

Hargeysa(WSN)Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane, Muuse Biixi Cabdi Isagoo ku hadlaya magaciisa, ka dawladda iyo ka shacbiga Somaliland, waxa uu dhambaal tacsi ah u dirayaa, Ciidamada qaranka Somaliland, gaar ahaan Ciidanka Booliska, ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Marxuum Dhamme Cabdilaahi Maxamed Faarax (Soofadhiiste) oo ku geeriyooday xalay oo ay taariikhdu ahayd 31/01/2018, magaalada Burco ee gobolka Togdheer, tacsi taa la mid ahna waxa uu madaxweynuhu u dirayaa waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyskii, eheladii, qaraabadii, asxaabtii iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxay.

Marxuumka oo ahaa taliyaha qaybta taraafikada ee Togdheer ayaa ku geeriyooday shil gaadhi wakhti uu ku guda-jiray waajibaadkiisa shaqo, gacantana ku hayey shil ka dhacay agagaarka cigaal Hotel ee magaalada Burco saacadihii danbe ee xalay, waxaanu madaxweynuhu marxuumka ku sifeeyey taliye hawlkar ah oo ka baxay qaranka iyo ciidamada booliska Somaliland, ahaana taliye ku dayasho mudan.

Madaxweynuhu waxa uu marxuumka Alle uga baryayaa inuu naxariistiisa janno ka waraabiyo, Ciidamada qaranka, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna Samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.

AAMIIN AAMIIN AAMIIN.

Naasir Yuusuf Daahir
Agaasimaha Waaxda Saxaafadda Madaxtooyada JSL.