TACSI: Madaxweyne Muuse Biixi Oo Ka Hadlay Shaqsiyada Marxuum Amb Yuusuf Jaamac Buraale Tacsina U Diray Shacbiga iyo Qoyska Uu Ka Baxay

0
741

TACSI: Madaxweyne Muuse Biixi Oo Ka Hadlay Shaqsiyada Marxuum Amb Yuusuf Jaamac Buraale Tacsina U Diray Shacbiga iyo Qoyska Uu Ka Baxay

Hargeysa(WSN)Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane, Muuse Biixi Cabdi isagoo ku hadlaya magaciisa, ka dawladda iyo ka shacbiga Somaliland, waxa uu tacsi u dirayaa, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Marxuum Ambassador Yuusuf Jaamac Buraale oo ku geeriyooday maanta oo ay taariikhdu ahayd 02/02/2018, Dalka Itoobiya, gaar ahaan magaalada Addis Ababa.

Madaxweynuhu waxa uu marxuumka ku sifeeyey masuul ka baxay qaranka Somaliland, kuna suntana hawl-karnimo, dedaal iyo waayo aragnimo siyaasadeed, isagoo Marxuumku ka mid ahaa danjirayaasha ugu khibradda iyo taariikhda dheeraa Soomaalida, isagoo lixdamaadkii ku biiray wasaaradii arrimaha dibedda ee dalkii la isku odhan jiray Soomaaliya, isagoo danjire ka soo noqday Mosko dalkii la isku odhan jiray Midowgii Soofeyeti, Dimishiq Suuriya, iyo Al-jeeriya, Markii ay Somaliland la soo noqotay Madax-banaanideedana waxa uu qabtay xilalka, wasiirka Wasaaradda dib-u-dejinta Somaliland ee Xukuumadii Marxuum Maxamed X. Ibraahim Cigaal, sidoo kalena waxa uu noqday Safiirka Somaliland u fadhiya Dalka Itoobiya Wakhtigii dawladii Daahir Rayaale Kaahin, iyo La-taliyaha Madaxweynaha ee Xukuumadii, Axmed Maxamed Silaanyo.

Madaxweynuhu Waxa uu marxuumka Alle uga baryayaa inuu naxariistiisa janno ka waraabiyo, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxdayna Samir iyo iimaan saadiqa ha ka siiyo.

IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN

Naasir Yuusuf Daahir
Agaasimaha Waaxda Saxaafadda Madaxtooyada JSL.