Madaxweyne Erdogan Oo Ka Cadhooday Go’aan Ay Dhowaan Gaadhay Maxkamadda Sare Ee Yurub

0
324

Madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyip Erdogan ayaa si kulul uga hadlay xukun ay soo saartay Maxkmadda Yurub ee Xuquuqda Aadanaha (ECHR), kaasi oo ay xukuumadda Ankara ku fareysay in si deg-deg xabsiga uga sii deyso siyaasi caan ah oo Kurdish ah. Erdogan ayaa si cadho leh uga hadlay xukunkaasi, isagoona sheegay in ECHR ay difaacdo xuquuqda argagixisada oo keliya, kadib markii uu Demirtas oo ah ninka ay maxkamada dalbatay in lasii daayo u xidhay Ankara arrimo la xidhiidha argagixisanimo. Selahattin Demirtas ayaa Erdogan waxa uu sheegay inuu mas’uul ka ahaa dhimashada tobanaan qof, intii uu socday dibadbax dhacay shan sanno ka hor, xili uu hadal u jeedinayay xildhibaanada baarlamaanka ee xisbigiisa. Madaxweyne Erdogan ayaa sidoo kale ku eedeeyey Demirtas inuu xidhiidh la leeyahay koox sharci-darro oo Kurdish ah. Demirtas oo ah siyaasi caan ah oo Kurdish ah ayaa wajahay 142-sanno oo xabsi ah, taasi oo ku muteystay falal la xidhiidha argagixiso, oo ay ku eedeysay xukuumadda Ankara, hase yeeshe uu iska beeniyay eedahaasi. Selahattin Demirtas ayaa waxa uu hoggaamiye ka ahaa xisbiga labaad ee ugu weyn Turkey ee loo yaqaano HDP, ka hor inta aan xabsiga loo taxaabin bishii November ee sanadkii 2016-kii, wuxuuna labo mar madaxtinimada kula tartamay madaxweyne Erdogan. Maxkamadda Yurub ee Xuquuqda Aadanaha ee magaalada Strasbourg ayaa maalintii Talaadada soo saartay xukun ay ku sheegtay inuu sharci darro u xidhan yahay Demirtas muddo afar sanno ah, isla markaana lagu xad-gudbay xuquuqdiisa asaasiga ah, iyada oo dalbatay in si deg-deg ah loo sii daayo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here