Madaxweyne ku xigeenka oo qaabiley weftiga uu hogaaminaayo Mr Richard Trenchard ee Hay’adda Cuntada iyo Beeraha ee Qaramada midoobay (FAO).

0
506

Madaxweyne ku xigeenka oo qaabiley weftiga uu hogaaminaayo Mr Richard Trenchard ee Hay’adda Cuntada iyo Beeraha ee Qaramada midoobay (FAO).

Hargeysa(Warsugannews)WAR-SAXAAFADEED: 16/04/2016 Madaxwayne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaacii (Saylici) ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabiley wakiilka Somaliland iyo Soomaaliya Mr Richard Trenchard ee Hay’adda Cuntada iyo Beeraha ee Qaramada midoobay (FAO).

Madaxwyene ku xigeenka waxa kulanka ku weheliyey, Wasiirka Wasaaradda Xanaanada Xoolaha Mudane Cabdilaahi Maxamed Daahir (Cukuse), wasiirku ku xigeenka Xanaanada Xoolaha Mudane Cali Maxamed Cilmi (Cali Gadheer), halka ay dhinaca masuulka FAO ay wehelinayeen masuuliyiinta Somaliland u joogta hay’adaasi iyo masuuliyiin la socday.

Madaxweyne ku xigeenka iyo wasiirada wehelinaayey iyo weftiga hay’adda qaramada midoobay oo wada hadal dheer ku yeeshay xafiiska madaxweyne ku xigeenka, ayaa kulanku markii uu soo dhamaaday ka warbixiyey fadhigoodii iyo waxay ka wada hadleen, waxana madaxweyne ku xigeenka oo arrintaa ka warbixinayaa yidhi “waxa maanta halkan nagu soo booqday wefti sare oo uu hogaaminaayo Mr Richard Trenchard ee Hay’adda Cuntada iyo Beeraha ee Qaramada midoobay (FAO), runtii sidaad la socotaan FAO hay’adaha ugu qiimo badan hay’addaha qaramada midoobay, waana qaybta hay’ada u qaabilsan qiimaynta roobabka iyo abaaraha iyo halkay xaaladu marayso u kuurgala. Runtii hawlo badan ayey nala qabtaan, waxan ku faraxsanahay maanta inay iyagoo awalba nala shaqayn jiray ay jawaab degdeg ah ka soo bixiyeen, una soo diyaar garoobeen mudnaanta koowaadna ay siiyeen Somaliland marka la eego abaaraha saameeyey dhulka soomaalidu degto oo dhan oo xaaladaha ugu adagi ay ka jiraan. Waxay noo balan qaadeen iyadoo dhaqaale cidhiidhi dunida ka jiro oo dhibaatooyinka aduunka iyo qaxoontiyadu ay farabateen, waxanay dib u xoolaynayaan dadkii ay xooluhu ka dhamaadeen, beeralaydiina dib looga caawiyo wax soo saarkoodii ka baaba’ay. Waxay kaloo balan qaadeen in ay xoolo tiro badan ay talaali doonaan, iyadoo ay xoolo badan abaartii baabiisay, intii hadhayna iyagoo gaajoonaya ay roobabkii heleen, iyagoo isla beriba bilaabaya da’a weyntii xoolaha. Wuxu intaa ku daray madaxweyne ku xigeenku in hay’adu 6000 oo qoys ay siindoonaan lacag ay ugu talogaleen inay kaga shaqeeyaan in ay waxyaalihii ay manaafacaadsan jireen ee xoolaha iyo beeraha lahaa ay dib ugu soo nooleeyaan kuna shaqaystaan, waxanay balanaqaadeen inay samaynayaan biyo qabatin, intaasina waa hordhac balse qaylada waanu dheeraynay ayey yidhaahdeen weftigu.Ayaa ka mid ahayd hadalka madaxweyne ku xigeenka
Warbixintii madaxweynaha Somaliland hore u soo siiyey ninkii hay’adan ugu sareeyey ayaa na soo gaadhsiiyey iyadoo qiiro xambaarsan ayey weftigu sheegeen ayuu yidhi madaxweyne ku xigeenku, waxanay sheegeen inay aad ugu farxeen inay dawlada, shacbiga iyo ganacsatadu ay uguntadeen dadkooda una gurmadeen intaanay gacan kale soo gaadhin”

Sidoo kale waxa hadlay Mr Richard Trenchard ee Hay’adda Cuntada iyo Beeraha ee Qaramada midoobay (FAO) oo u mahadnaqay kulanka uu la yeeshay madaxweyne ku xigeenka iyo masuuliyiinta wasaaradda xanaanada xoolaha. Wuxuu inta raaciyey inay beri dalka soo gaadhayso talaal tiradiisu dhan tahay 3Milyan, isagoo inta ku daray inay ka goan tahay hay’adaha qaramada midoobay ee ay ka mid ka yihiin inay si buuxda ula shaqeeyana Somaliland, gaar ahaan wakhtigan adag ee dhinaca abaaraha ee Somaliland ku jirto. Waxanu si dhaw ula shaqaynaynaa ayuu yidhi wasaaradda Xanaanada Xoolaha Somaliland iyo Wasaaradda Beeraha, ayuu sheegay madaxa weftiga FAO.
Madaxweyne ku xigeenku wax auu noo sheegay sida uu dhulku u kala daran yahay iyo sida ay arrimuhu u kala mudan yihiin. Gebegebadii hadalka wuxuu masuulkaasi ku wareejiyey madaxweyne ku xigeenka lacag dhan 6100 Dollar oo ay iska soo ururiyeen shaqaalaha hay’adda FAO ee Somaliland ku sugan, lacagtaas oo lagu shubay akoonka abaaraha ee dahabshil.

DSC_0014

DSC_0019

DSC_0020

DSC_0025

DSC_0033

DSC_0036

DSC_0039

DSC_0044

DSC_0045

DSC_0046

DSC_0052

DSC_0056

DSC_0060

DSC_0068
ALLAA MAHAD LEH

Cabdiraxman Sh. Cilmi Fahiye (Shamax)
Af-hayeenka Madaxtooyada JSL.