Madaxweyne kuxigeenka Somaliland ahna kusimaha Madaxweynaha oo kulan layeeshay hogaanka sare dallada heer qaran ee dhallinyarada Somaliland SONYO.

0
508

Madaxweyne kuxigeenka Somaliland ahna kusimaha Madaxweynaha oo kulan layeeshay hogaanka sare dallada heer qaran ee dhallinyarada Somaliland SONYO.

Hargeysa(Warsugannews)Madaxweyne kuxigeenka Somaliland ahna kusimaha madaxweynaha mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismail Saylici ayaa kulan balaadhan maanta xafiiskiisa kula yeeshay Hogaanka Sare ee Dallada SONYO kullankan oo ujeedadiisu aheyd gudbibta warbixin kusaabsan Socdaalkii Xubnaha SONYO ay kusoo mareen gobolada iyo degmooyinka dalka.

Gudoomiyaha Dallada SONYO Siyaad Cumar Cali oo halkaasi kahadley ayaa u mahadcaliyey Madaxweyne kuxigeenka kulankaasi uu layeeshay waxaanu ka xogwaramey ujeedada Kulanka Waxaanu yidhi{ujeeda kulankani waxay tahey in aan xogwarankii aanu u gudbino xukuumada Isagoo kahadlaaya ujeedada socdaalkii aykusoo mareen dalka waxa auu yidhi {socdaalkayagu waxaa uu ahaa in la ogaado baahiyaha kalla duwan ee Dhallinyarada Somaliland min Degmo ilaa Gobol waxaana kusoo marney 15 degmo oo katirsan Somaliland sidoo kalle waxaanu dhallinyarada kala hadleynay sidii sy iska ilaalin lahaayeen dhibaatooyinka dhallinyarada haysta sida Tahriibka , Qabyaalada Iyo Balwadaha xun xun.

G/kuxigeenka Dallada SONYO Cabdiqani Maxamuud Jiidhe oo halkaasi kahadley ayaa isna Yidhi{waxaan kaaga mahadnaqeynaa kulanka aad xafiiskaaga nagu layeelatay waxaynu ognahey in bulshada Somaliland 75 % Dhallinyaro yihiin SONYO ahaan waxaanu u heelanahey sidii Dhallinyaradaasi loo jihayn lahaa dhibaatooyinka dhallinyarada haysta sida shaqao la,aanta iyo Tahriibkana looga saari lahaa.

11990558_1177412192275531_1825845158659290644_n

Agaasimaha Fullinta ee Dallada SONYO Siciid Maxamed Axmed oo isna kulankaasi Madaxweyne kuxigeenka layeesheen kahadley ayaa yidhi{waxaan kufaraxsanahey in aad kulankan qiimaha nagu soo dhawayso warbixintan aanu kusoo gudbiney waxay katurjumaysaa Baahiyaha kalla duwan ee dhallinyarada Somaliland manta ubaahan yihiin waxaanan jecelnahey in Guddi loosaaro hawshi fullinteeda adna aad lataliye nooga noqoto isha allah.
11214076_1177407055609378_1427833599052040850_n
Xoghayaha Golaha sare ee dallada SONYO Xamda Maxamed Xuseen Cigaal oo sidoo kalle Madashaasi kahadashey ayaa ka warantay doorka firfircoon ee SONYO ugu jirto dhallinyarada Somaliland.
12046738_1177411562275594_3764152264676586784_n
Sidoo kalle waxaa madashaani kahadley Xil.Faysal Cumar Madar Iyo Xil.Cabdicasiis Siciid Saalax oo kamid ah golaha sare ee dallada SONYO.
10413314_1177408072275943_8253491319079995309_n

M/kuxigeenka Somaliland ahna kusimaha madaxweynaha Cabdiraxman Cabdilaahi Ismaaciil Saylici oo ugu dambayntii kulankaasi ka hadley ayaa yidhi{aad ayaa ugu mahadsan tihiin waxa Madasha kamuuqda inaan xil wayn isasaarteen Hawl wacana aa dsooq abateen maasuuliyadii Dhallinayarda somnaliland aad dusha uridateen oo aad isku daydeen inaad soo ogaataan Xaaladahooga oo aad xogogaal unoqotaan oo aad gaadhaan degmooyin kalla duwan ee dalka Qofka waxaana laidhi qofka in hawl loo diro waxaa kamuhiimsan in isagu is diro sidaa Daraadeedna waxaa soo dhawaynaynaa hawshaasi waxaan kalle oo aan isha llah Akhrisanaynaa Warbixintan aad soo gudbiseen iyadoo aynu ognahey inwadankeenu uu yahey curdin oo waxaa Laqaban karaa uu yaryahey hadana waxaanu diyaar u nahey xukuumad ahaa in waxkasta oo Hawlahaasi dhallinyarada aan kaqaban karno kaqabano isha allah.
Kulankaasi oo qaatey muddo ayaa ugu dambayntii ku dhamaadey guul.
12065767_1177411248942292_8217418375599120458_n

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here