Madaxweyne Muuse Biixi Oo Daah-Furay Gaadiid Casri Oo Shirkada Hyundai Dalka Keeni Doonta mashruuc ballaadhan oo ay shirkadda DAHABSHIIL Group dalka ku keentay gaadiid casri ah oo ay farsamaysay shirkadda Hyundai ee laga leeyahay waddanka koonfurta Kuuriya + Sawiro

0
453

Madaxweyne Muuse Biixi Oo Daah-Furay Gaadiid Casri Oo Shirkada Hyundai Dalka Keeni Doonta

Hargeysa-25-07-2019-(WMG)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta daah-furay mashruuc ballaadhan oo ay shirkadda DAHABSHIIL Group dalka ku keentay gaadiid casri ah oo ay farsamaysay shirkadda Hyundai ee laga leeyahay waddanka koonfurta Kuuriya.

Munaasibadda daah-furka mashruuca ay shirkadda DAHABSHIIL Group dalka ku keenayso gaadiidka casriga ah ee ay farsamayso shirkadda Hyundai oo ay ka qaybgaleen madaxda xukuumadda ugu sarraysa, hoggaanka axsaabta qaranka, ganacsato, madax-dhaqameed, aqoonyahan iyo marti-sharaf kale oo aad u tiro badan, ayaa laga jeediyey hadallo salka ku haya faa’iidada qaranka iyo bulshadaba ugu jirta inay ganacsatada waa weyni dalka keenaan mashaariic waaweyn oo bulshada waxtar u leh, islamarkaana aqoonta iyo fikirka shacabka kor u qaadda.

Xubno kamid ah golaha wasiirrada, guddoomiyayaasha xisbiyada UCID iyo WADDANI iyo haldoor kale oo reer Somaliland oo madasha ka hadlay, ayaa shirkadda DAHABSHIIL Group ku bogaadiyey kaalinta ay ka qaadatay sidii ay bulshadu u heli lahayd gaadiid casri ah oo muddo dheer sii shaqayn kara, una adkaysan kara duruufaha dhinaca waddooyinka ah ee dalka ka jira.

Madaxweyne Muuse Biixi, ayaa isaguna dhinaciisa shirkadda DAHABSHIIL Group ku hambalyeeyey horumarka uu sameeyey gaadiidka cusub ee ay dalka keeneen oo wax badan ka tari doona dhibaatadii bulshada ka haysatay gaadiidka duugoobay ee dalka la keeno, isaga oo dhammaanba ganacsatada dalka ku boorriyey inay u xadhko xidhaan sidii ay dalka u keeni lahaayeen mashaariic waaweyn dadka faa’iido u leh, maadaama ammaanka Somaliland ka jiraa soo jiitay dhammaanba maal-gashadayaasha dunida ka jira.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu dhinaca kale bulshada reer Somaliland ugu bushaareeyey in shaqaaqadii ka taagnayd deegaanka Ceel-afweyn iyo guud ahaanba gobolka Sanaag ay meel wanaagsan marayso, islamarkaana haatan lagu hawlan yahay sidii nabadayntaas sharciga loo waafajin lahaa, waxana isaga oo arrimahaas ka hadlaya uu yidhi, “Arrinta Ceerigaabo nabad baa ka jira, warwarna kama qabno inay nabad ku dhammaanayso, dadkaa halkaas isugu tegay, kuwa sii joogay iyo kuwa u tegayba dhammaanteen waxa aynnu heshiis ku nahay inay arrintaas nabad ku dhammaato oo ay islaax dhexdeenna ah ku dhammaato oo aanay waxba inaga duul duulin, sidii sharciga loo waafajin lahaa uun baa la is weydiinayaaye uune maanta halkaas khilaaf ka taagan oo la isku diiddan yahay dawlad, odayaal iyo dhallinyaradeennii cadhootay midna ma jirto, qodobbo yar yar uun baa la xallinayaa sidii sharciga loo waafajin lahaa, taana ka war war la’aada nabad bay kusoo dhammaanaysaaye, dalkuna waa nabad.”

Ugu dambayntii waxa uu madaxweynuhu kormeeray hangarro waaweyn oo ay shirkadda DAHABSHIIL Group ugu talo gashay inay ku dayactirto gaadiidka casriga ah ee ay farsamayso shirkadda Hyundai, halkaas oo laga heli doono dhammaanba agabka ay gaadiidkaasi u baahdaan muddada ay shaqaynayaan.


Wa-bilaahi Tawfiiq