Madaxweyne Siilaanyo Oo 25 Guurada Ka Soo Wareegtay Madaxbanaanida Somaliland Ku Sargooyey Heshiis Taarikhda Galay Oo Shacbiga Iyo Qarankaba Guul U Ah

0
340

Madaxweyne Siilaanyo Oo 25 Guurada Ka Soo Wareegtay Madaxbanaanida Somaliland Ku Sargooyey Heshiis Taarikhda Galay Oo Shacbiga Iyo Qarankaba Guul U Ah
++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++
Heshiiska Imaaraadka iyo Somaliland oo ku soo hagaagay sanad Guuradda 25aad ee La soo noqoshada Madax-banaanida Qaranka.

Madaxweynuhu isagoo guulaysan waxa uu dalka ku soo laabanayaa maalinta Axadda ah ee 15ka bisha May

Waxaan shaki ku jirin in heshiiska dhex maray labada dawladood ee isu-tagga Imaaraadka Carabta iyo Somaliland uu yahay mid taariikhiya, marka la eego baaxada heshiisku leeyahay iyo isagoo lagu rajo weyn yahay in midhaha ka dhashaa uu gaadhi doono dhamaan shacbiga Somaliland una gudbi doono mandaqada Bariga Afrika.

Waxyaalaha lagu garto hogaamiyaha wanaagsan waxa ka mid ah in hogaamiyuhu keeno isbedel togan oo uu kaga saarayo dadkiisa iyo dalkiisaba xaalad ay markii hore ku sugnaayeen, taaso ilaa xad haba iska wanaagsanaatee, hogaamiyaha maskaxda furani ee soo jeeda uu u tallaabiyo ummaddiisa meel halkaa ka sii sarraysa, kana sadroon .

Sideedaba waxa lays waydiiyaa hogaamiyenimada maa loo dhashaa, mise waa la bartaa. Waxay biyo shubka doodaasi noqotay in labadaba ay tahay.taasoo micneheedu tahay in hogaamiyaha wanaagsani yahay mid leh karti iyo firfircooni uu u dhashay oo lagu daro waayo aragnimo iyo aqoon uu kasbado oo uu barto.
Madaxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo marka laga tago Somaliland, waxa la odhan karaa waa shaqsiyaadka ugu horeeya dhinaca waayo aragnimada hogaamineed Soomaaliba inta maanta nool, Midaa aan sheegnay waxa caddaysay waxyaabaha uu ka qabtay dalka mudadii uu xilka hayey iyo sida uu u bedelay wejiga dalka.

Tan maanta oo ah heshiiska aynu kor ku soo sheegnay wuxuu noqon doonaa tallaabo weyn oo isbedel muuqda keenta, uguna horayso dekeda caalamiga ah ee Berbera oo dekedaha gobolka ku yaala la tartanta, ama kaba horaysa oo qaranka u soo jiida koboc dhaqaale, iyo shaqo abuur. Waayo, waxa la inoo sheegay inay ku jirto heshiiska in muwaadiniinta reer Somaliland iyagoo ku socda magaca dalkooda ay shaqooyin ka heli doonaan dalka imaaraadka carabta oo noqday mid, in kastoo uu juquraafi ahaan yar yahay, haddana ah dal siraadanaya oo kaalmaha hore kaga jira dunida, ganacsi ahaan iyo dhaqaale ahaanba, taasoo mahadnaqeeda, Allaha Wayn Ka Bacdi ku timid xigmada hogaamineed ee masuuliyiinta Imaaraadka oo gartay inay Somaliland wax la qayb taan lana qaybsadaan.

Madaxweynuhuna xidhiidhka dhaw ee uu la sameeyey isu-tagga imaaraadka carabta, waa mid u bedelaya dalkeena inuu noqdo waddan ka dhex muuqda dalalka caalamka, iyadoo marka horeba Somaliland ay ku taallo meel istarajitiya oo cidhifka bari ee caalamka ah, isla markaana ah marin ganacsi oo lama huraan ah.

Madaxweynuhu isagoo guulaysan waxa uu dalka ku soo laabanayaa maalinta Axadda ah ee 15ka bisha May, waxana laynooga baahan yahay, haddii aynu nahay shacbiga Somaliland meel aan joogaanba, gaar ahaan inteenna ku dhaqan caasimada Hargeysa, in caleemo qoyan, mashaxarad iyo Sacabo furanba ku aan ku soo dhaweeyno madaxweynaha iyo weftigiisa oo qaranka guul wax ku ool ah u soo hooyey, iyagana dhiirigelin iyo taageero ay u tahay soo dhawaynteenu.

W/Q: Naasir Yuusuf Daahir