Madaxweyne Siilaanyo Oo 300.000 Oo Dolar Ugu Deeqay Jidka Dawga Cad

0
348

Madaxweyne Siilaanyo Oo 300.000 Oo Dolar Ugu Deeqay Jidka Dawga Cad

Hargeysa(Warsugannews):- Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo),ayaa lacagtii ugu badnayd ugu deeqay Jidka Dawga Cad ee Hargeysa iyo Jabuuti,lacagtaas oo uu Madaxweynuhu gaadhsiiyay Guddiga Dawga Cad ee Hargeysa.

Madaxweynaha Somaliland,ayaa gudiga Dawga Cad ee dhismaha jidkaa gacanta ku haya waxaa uu wareejiyay 300,000 (sadex boqol oo kun oo dollar) oo ay Xukuumadda Somaliland kaga qayb qaadanayso dhismaha iyo dhammaystirka jidka Dawga Cad.

Guddoomiyha Gudiga dhismaha Dawga Cad Eng. Cabdiqaadir Xaashi Cilmi, oo ka hadlayay lacagta Madaxweynuhu ku wareejiyay intaanu socdaalka shaqo dibada ugu bixin. “Waxaan doonayaa in aan halkan idiinka sheego lacagihii ugu dambeeyay ee daneeyayaasha jidka dawga cad ay na soo gaadhsiiyaan, Madaxweynaha Somaliland waxaa uu na soo gaadhsiiyay 300 oo kun oo Dollar oo uu ugu deeqay dhismaha jidka dawga cad,”ayuu yidhi Eng Cabdiqaadir Xaashi Cilmi,waxaanu intaa ku daray “Dad muwaaadiniin ah oo si shakhsiyaad ah iyaguna lacago ugu soo diray kuwaasoo kala jooga dalka gudihiisa iyo dibadiisaba.”

Guddoomiyaha Eng Cabdiqaadir Xaashi iyo xubnaha gudida,ayaa si wada jir ah uga mahad celiyay deeqda lacageed ee uu soo gaadhsiiyay Madaxeynaha Somaliland,waxaanay Madaxweynaha iyo shaqsiyaadka muwaadiniinta ah ee qaadhaanka lacageed ah soo gaadhsiiyayba ALLE uga baryeen in uu xasanaadka wanaagsan ee ay wax ku bixiyeen wanaag kaga abaal mariyo.

Maaha deeqdii lacageed ee ugu horraysay ee Xukuumadda Somaliland kaga qayb qaadatay dhismaha jidka Dawga Cad, laakiin illaa markii ay Xukuumadda Maxadweyne Siilaanyo xilka la wareegtay waxay mar kastaba gacan ka gaysanaysay hadba halka ay wadadaasi marayso,waxaanu hore Madaxweynaha Somaliland booqasho ugu tegay jidkaasi oo qeybo ka mid ah dhismihiisu socday isla markaana markii hore ee uu booqdayna waxaa uu ugu deeqay lacag ay Xukuumaddu kaga qayb qaadanaysay hirgelinta jidkaasi oo hawlbowle u noqon doona isku gududubka dalalka Somaliland iyo Jabuuti.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here