Madaxweyne Siilaanyo oo Guddi uu Madaxweyne ku xigeenku Gudoomiye u yahay saaray bixisa sicir-bararka dalka ka jira

0
356

Madaxweyne Siilaanyo oo Guddi uu Madaxweyne ku xigeenku Gudoomiye u yahay saaray bixisa sicir-bararka dalka ka jira
WAR-SAXAAFADEED
Taariikh: – 03/12/2015

Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed Maxamed Siilaanyo waxa uu maanta Digreeto madaxweyne ku magacaabay Guddi Shan xubnood ka kooban oo soo baadha kana soo talo bixisa sicir-bararka dalka ka jira, oo uu gudoomiye u yahay Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyada Somaliland.

Xubnaha Gudida
1. Madaxweynaha ku-xigeenka JSL (Guddoomiye)
2. Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda (G/ku xigeen)
3. Wasiirka Wasaaradda Madaxtooyada JSL
4. Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha
5. Guddoomiyaha Baanka Dhexe ee JSL

UJEEDDO: Magacaabid Guddi

Mudanayaal iyo Marwo;

Masuuliyadaha iyo waajibaadka muhiimka ah ee Xukuumadayda ka saaran xagga arrimaha dhaqaalaha dalka waxa ka mid ah la socodka qiimaha shilinka Somaliland iyo kolba heerka uu marayo sicirka suuqu (korodh iyo hoos u dhacba). Sida aad la wada socotaan, dalkeena waxa ka jira sicir-barar ba’an oo saamayn toos ah ku yeeshay nolol maalmeedka bulsha weynta Jamhuuriyadda Somaliland.

Haddaba Mudanayaal iyo Marwo, waxa lagama maarmaan ah in arrintaa si qoto dheer loo soo baadho, looga soo war bixiyo isla markaana laga soo ururiyo xog waafi ah oo lagu go’aan qaato. Sidaa darteed, Guddi ahaan waxaan idin farayaa inaad xog buuxda iga soo siisaan sicir-bararka dalka ka jira, kana soo talo bixisaan wixii arrintaa lagu xallili karo.

ALLAA MAHAD LEH

Xuseen Aadan Cige (Xuseen Deyr)
Af-hayeenka Madaxweynaha JSL.