Madaxweyne siilaanyo oo qaabiley Ku Xigeenka Ergayga Gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Somaliland iyo Soomaaliya Mr Raisedon Zenenga

0
437
????????????????????????????????????

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Axmed Maxamed Siilaanyo ayaa Maanta Xafiiskiisa ku qaabilay Ku Xigeenka Ergayga Gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Somaliland iyo Soomaaliya Mr Raisedon Zenenga oo Booqasho ku Jooga Somaliland.

????????????????????????????????????
????????????????????????????????????

Hargeysa(WARSUGANNEWS)08-09-2015:- kulanka ka dib waxa saxaafada uga warbixiyey wasiirka arrimaha dibada Somaliland mudane Maxamed Biixi Yoonis oo sheegay in ay ka wada hadleen labada dhinac sidii ay u sii kobcin lahaayeen una balaadhin lahaayeen wada shaqaynta Somaliland iyo UN-ka ka dhaxaysa, sidoo kale waxay ka wada hadleen dhinaca dhaqaalaha iyo horumarka, arrinkii Doorashooyinka oo imika dhamaaday kuna dhamaaday goaankii maxkamada iyo arrimo kale oo dhawra.
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????

ugu danbayna waxa halkaasi ka hadlay ku Xigeenka Ergayga Gaarka ah ee Qaramada Midoobay oo sheegay in ay dalka ugu danbaysay 1992 ilaa 1993 gii wakhtigaasi oo uu ka shaqayn jiray UN-ka ee dagaaladu ka socdeen Xamar, wakhtigaa dheer ka dibna aan Somaliland ku soo noqday maanta iina muuqdeen in ay Somaliland Samaysay horumar balaadhan oo dhinacyada, Nabadgelyada, Waxbarashada, Caafimaadka, Dhismayaasha, arrimaha kaabayaasha dhaqaalaha, taasina ay tahay wax lagu farxo, qaramada midoobayna ay diyaar u tahay in ay idin barbar istaagto oo ay sidii ay horeba idinla shaqayn jirtay iyo si ka wanaagsanba idinla shaqayndoonto.
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????

kulankan oo ay goobjoog ka ahaayeen.
1. Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil “Saylici”
2. Wasiirka Caafimaadka, Dr Saleebaan Ciise Axmed Xaglatoosiye
3. Wasiirka Arrimaha Dibeda Somaliland Mudane Maxamed Biixi Yoonis
4. Wasiirka Madaxtooyada Mudnae Xirsi Cali Xaaji Xasan
5. Xoghayaha Gaarka ah ee Madaxweynaha Mudane Cali Axmed Cali.
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????

????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????

Warsugannews

warsuganmedia@gmail.com

Hargeysa/OFFICE

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here