Madaxweyne Silaanyo iyo Gudoomiye Muuse Biixi oo tacsi u diray Ciidamada, qoyskii iyo Shacbiga Somaliland ee uu ka baxay Marxuum Sareeyo guuto Cabdilaahi Xaaji Jaamac Calas oo hargeysa ku geeriyooday Caawa

0
492

Madaxweyne Silaanyo iyo Gudoomiye Muuse Biixi oo tacsi u diray Ciidamada, qoyskii iyo Shacbiga Somaliland ee uu ka baxay Marxuum Sareeyo guuto Cabdilaahi Xaaji Jaamac Calas oo hargeysa ku geeriyooday Caawa

TACSI MADAXWEYNE-06/01/2017
IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN

Hargeysa(WSN)Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Silaanyo Isagoo ku hadlaya magaciisa, ka dawladda iyo kan shacbiga Somaliland waxa uu tacsi u dirayaa, aqoonyahanka, waxgaradka, waayeelka, qoyskii, eheladii, qaraabadii, asxaabtii iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Abbaanduulihii hore ee ciidanka qaranka Somaliland, Marxuum Sareeyo guuto Cabdilaahi Xaaji Jaamac (Calas) oo ku geeriyooday 06/01/2017 Magaalada Hargeysa.
Madaxweynuhu waxa uu si gaara uga tacsiyadaynayaa ciidanka qaranka Jamhuuriyadda Somaliland, iyo guud ahaan ciidamada Somaliland ee uu ka baxay Marxuumku. Marxuumka waxa uu madaxweynuhu ku siyeeyey sarkaal halkar iyo daacadnimo u dheerayd ciidanimadiisa, door muhiimana ku lahaa guulaha ciidamada qaranku ku talaabsadeen.
Madaxweynuhu waxa uu marxuumiinka ALLE uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo Ciidamada qaranka, aqoonyahanka, waxgaradka, waayeelka, qoyskii, qaraabadii, eheladii, asxaabtii iyo Shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.

IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN
Xuseen Aadan Cige (Deyr)
Af-hayeenka Madaxtooyada JSL.

XISBIGA MIDNIMADA IYO HORUMARKA JSL EE KULMIYE
06 January 2017
TACSI GUDDOOMIYE
Guddoomiyaha xisbiga Midnimada iyo Horumarka Jamhuuriyadda Somaliland ee KULMIYE, ahna murrashaxa madaxweynaha ee xisbiga Mudane, Muuse Biixi Cabdi isaga oo ku hadlaya afka Guddiga Fulinta, Golaha Dhexe, garabyada xisbiga, laamaha gudaha iyo dibadda iyo guud ahaanba taageerayaasha xisbiga KULMIYE, waxa uu tacsi tiiraanyo leh u dirayaa qoyska, qaraabada, ehelada, ciidammada kala duwan ee Qaranka iyo guud ahaan shacabka Somaliland geerida ku timi Alle ha u naxariistee Marxuum General Cabdillaahi Xaaji Jaamac (Calas) oo ku geeriyooday cusbitaalka guud ee magaalada Hargeysa galabta oo taariikhdu tahay 06/01/2017, kadib xannuun ku soo booday.

Marxuum General Cabdillaahi Xaaji Jaamac (Calas) oo hore u ahaa Abaanduulihii Ciidanka Qaranka Somaliland, waxa uu ka mid ahaa saraakiisha muddada dheer ku soo jiray ciidammada ee aqoonta badan iyo waayo-aragnimada lahaa, waxaannu door wayn ku lahaa hub-ka-dhigistii iyo nabadayntii beelaha Somaliland, sidoo kalena, waxa uu ku jiray saraakiishii budhiga u ahaa dhismihii iyo horumarinta ciidanka Millatariga Somaliland.

Guddoomiyuhu waxa uu Marxuumka Alle uga baryayaa inuu jannadiisa Firdowsa ka waraabiyo, qoyska, qaraabada, ciidammada iyo shacabkaba uu Samir iyo Iimaan saadiq ah ka siiyo. Aamiin….Aamiin….Aamiin.

Xafiiska Warbaahinta ee xisbiga KULMIYE