Madaxweyne Silaanyo Oo dalka ku soo laabtay kana hadlay Kulamadii uu la yeeshay Madaxda Khaatumo iyo Rai’saaraha Itoobiya + Sawiro

0
515

Hargeysa(WSN)Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Silaanyo oo ay weheliyaan Marwada kowaad ee qaranka Marwo Aamina-weris Sheekh Maxamed Jirde, iyo gudoomiyaha Xisbi xaakimka kulmiye Mudane Muuse Biixi Cabdi, xubno ka mida golaha wasiirada iyo Xoghayaha gaarka ah ee Madaxweynaha oo safar maalmo qaatay ugu maqnaa wadanka itoobiya, ayaa galab si balaadhan loogu soo dhaweeyey Caasimada Somaliland ee Hargeysa.

Weftiga uu madaxweynuhu hoggaaminaayey waxa jidadka iyo qasriga madaxtooyada ku soo dhaweeyey shacbiga qaybihiisa kala duwan iyo salaadiin, waxaanu madaxweynuhu salaan sharaf ka qaatay cutubyo ka tirsan ciidanka qaranka Somaliland iyo Ciidamada Banboyda oo tumayey muusiga qaranka Somaliland.

Ka dibna Madaxweynaha oo saxaafadda la hadlay ayaa ka warbixiyey kulamadii uu la yeeshay Ra’isal wasaaradaha Itoobiya iyo kulamo gaara oo ay la yeesheen weftiga madaxweynuhu Masuuliyiinta Khaatumo.
Waxaanu yidhi madaxweynuhu ”Wefti ballaadhan oo aan hoggaaminayey, waxaanu booqasho rasmi ah ku tagnay 28/10/2016, Caasimadda Ethiopia, Addis Ababa.

Aniga iyo xubnihii wefdigayga, waxaannu la kulannay 29/10/2016, Raysal Wasaaraha Ethiopia, Mudane, Xayle-maryam Disalim iyo Madax kale oo kulankan ku wehelisay. Kulankan saaxibtinnimo ee uu nagu marti qaaday Raysal Wasaaruhu, wuxuu ahaa, mid qiimo badan, oo si diiran oo kalgacal leh naloogu soo dhaweeyey.

Labadayada dhinac, waxaannu is-aragaa ku qaadaa dhignay, arrimo badan oo ay ka mid yihiin:
1. Xoojinta xidhiidhka saaxiibtinnimo ee labada dal.

2. Adkaynta iyo ka wada shaqaynta nabadgelyada, guud ahaan mandaqadda, gaar ahaan xuduudaha ay wadaagaan labada waddan.

3. Iskaashiga dhaqaalaha, siyaasadda, iyo arrimaha bulshada.

4. Dhiirigelinta ganacsiga, maalgashiga, iyo is-dhexgalka bulshooyinka Somaliland iyo Ethiopia.

5. Isticmaalka Dekedda Berbera iyo in ay ka qayb qaadato Dawladda Ethiopia dhismaha Jidka isku xidhka Wajaale iyo Berbera.

6. Iskaashiga fidinta koronto jaban iyo kordhinta deeqaha waxbarasho ee Somaliland.

7. La dagaalanka qaxootiga sharci darrada ah iyo argagixisada.

8. Qabyo-tirka Heshiis lagu maareeynayo ganacsiga iyo badeecadaha iskaga gudbaya labada dal (Trade Agreement), kaas oo salka ku haya danaha iyo maslaxadda labada dal.

9. Iskaashiga ka hortagga abaaraha iyo biyo yaridda.

Kulankaasi, wuxuu ku dhammaaday guul, is afgarad, kaslooni iyo wadashaqayn buuxda oo laga yeesho dhammaan arrimihii kulankaa lagu gorfeeyey, isla markaana la isla meel-dhigay.

Dhinaca kale, muddadii aannu ku sugnayn magaalada Addis Ababa, waxaanu la kulannay Madaxda Khaatumo oo uu hoggaaminayey, Dr. Cali Khaliif Galaydh.

Waxaannu kulankaa ku heshiinnay in la sii amba qaado wada-hadalladii labada dhinac ee hore la isula qaatay. Waxaannu ku heshiinnay in 17/11/2016, wada-hadalkii ka dhaco Caasimadda dalka Ethiopia. Arrimahan faahfaahintooda waxaannu kaga hadli doonna War-saxafadeed Maalinta Sabtida, 05/11/2016”

dsc_0000

dsc_0001

dsc_0002

dsc_0003

dsc_0004

dsc_0036

dsc_0037

dsc_0038

dsc_0039

dsc_0041

dsc_0042

dsc_0043

dsc_0046

dsc_0048

dsc_0049

dsc_0050

dsc_0051

dsc_0055

dsc_0058

dsc_0061

dsc_0066

dsc_0070

dsc_0074

dsc_0075

dsc_0077

dsc_0083

dsc_0088

dsc_0095

dsc_0108

dsc_0113

dsc_0115

dsc_0117

dsc_0119

dsc_0121

dsc_0123

dsc_0125

dsc_0129

dsc_0132

dsc_0140

dsc_0145

dsc_0147

dsc_0150

dsc_0151

dsc_0152

dsc_0154

dsc_0157

dsc_0162

dsc_0163

dsc_0166

dsc_0181

dsc_0183
Wad mahadsantihiin.