Madaxweyne somaliya oo si aan hore loo arag u qaabilay Sheekh Shariif (Akhri Muxuu sameeyay)

0
454

Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa xalay kulan la yeeshay Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed oo ugu tegay Hotelka uu degan yahay ee Jazeera.

Madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa la sheegay inuu ka soo degay dabaqa ugu sareeya Hotelka si uu u soo dhoweey Shariif Sheekh Axmed, waxaana arrintan loo arkay qadarin iyo xushmad dheeraada ah.

Sheekh Shariif ayaa ahaa madaxweynihii siyaasadda ku soo biiriyay Farmaajo oo ka dhigay Ra’iisal wasaaraha xukuumadii KMG ahayd ee Soomaaliya Aakhirkii sanadkii 2010-ka.

HOOS KA AKHRISO QORAAL UU SAFIIR YUUSUF GARAAD KA QORAY ARRINTAN

Madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, wuxuu xalay qaabbilay Madaxweynihii hore, Shiikh Shariif Shiikh Axmed.

Madaxweyne Farmaajo dhowr dabaq inta uu ka soo degey ayuu Shiikh Shariif sugay, soo dhoweeyay oo salaamay markii uu ka soo degay baabuurka.

Sidoo kale, markii uu kulankoodu dhammaaday, inta uu dhowr dabaq ka soo degay ayuu baabuurka geeyay, sagootiyey, sugayna ilaa gaarigu uu ka dhaqaaqo oo uu gacanta u haatiyo.

Waxaan u arkaa xushmadda iyo qaddarinta ay Madaxda maantu u muujiso Madaxdii hore in ay tahay mid kalsooni iyo isu soo dhowaasho abuuri karta, korna u qaadeysa sharafta Qarankeenna.

Mas’uulka siiya Madaxdii hore maamuuska ay mudan yihiin oo sharfaa isaga ayaa sharfan. Waanan ku bogaadinayaa Madaxweyne Farmaajo isku kalsoonaanta uu qabo iyo islaweyni la’aanta oo ah mid si wanaagsan uga dhex shaqeysa shacabka Soomaaliyeed oo hadda u dhug leh erayadiisa iyo tallaabooyinkiisa.