Madaxweyne Xasan oo xarigga ka jaray dhismaha xarunta cusub ee loo dhisay Aqalka Sare

0
313

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta xariga ka xarunta KMG ah Aqalka Sare ee Barlamaanka cusub ee Soomaaliya, iyadoo dhanka kale furay Kalfadhiga koowaad ee Aqalka Sare. Madaxweynaha oo uu wehliyey safiirka Turkiga iyo guddoomiyaha KMG ah ee Aqalka Sare ee Barlamaanka Federalka Soomaaliya ayaa xarigga ka jaray dhismaha xarunta KMG ah ee Aqalka sare.

Sidoo kale Madaxweynaha ayaa soo kormeeray xafiisyada iyo qeybaha shirarka ee loo diyaariyey in uu ku shaqeeyo Aqalka Sare si gaar ahna Hoolka fadhiyada ay ku yeelan doonaan.

Munaasabadda furitaanka Kalfadhiga Koowaad ee Aqalka Sare, waxaa ka soo qeybgalay madaxweynaha, guddoomiyaha KMG ah ee aqalka sare, saraakiisha ciidammada Qalabka Sida, Guddoomiyaha gobolka Banaadir iyo Sanatorrada cusub.

Guddoomiyaha KMG ah ee Aqalka Sare Maxamed Xuseen Raagge ayaa madaxweynaha uga mahadceliyey furitaanka xaruntaan dowladda Turkiga ayuu si weyn ugu ammaanay waxbqadkooda Soomaaliya waxa uu sheegay in dhowaanna ay si dhab ah u guda-geli doonaan howlaha looga fadhiyo.

Safiirka Turkiga ee Soomaaliya Danjire Olgen ayaa sheegay in mashruucan lagu dhisay xaruntaan uu socdey laba sano haddana ay ku howlan tahay dowladda Turkiga in Muqdisho ay ka fuliso mashaariic ka ballaaran kuwaan.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa uga mahadceliyey dowladda Turkiga dhismaha xaruntaan weyn waxa uu tilmaamay in xarunta Aqalka Sare ay si KMG ah ugu shaqeyn doonaan ayna ahaan doonto goob waxbarasho dhowaan waxaa uu xusay in uu bilaaban doono dhisme weyn oo ay lahaan doonaan labada aqal ee Barlamaanka Soomaaliya uu ka kooban yahay.

Ugu dambeyn Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa kula dardaarmay xubnaha aqalka odeyaasha ee Barlamaanka Soomaaliya in ay guda galaan shaqooyinkooda, dowladduna ay xoogga saari doonto in ay soo dadajiso waxyaabaha ka haray adeegyada ay u baahan yihiin, madaxweynaha Soomaaliya, ayaana si rasmi ah u furay Kal-fadhiga koowaad ee Aqalka Sare.

Xarunta KMG ah ee Aqalka Sare waxa ay ku taal degmada Shibis ee gobolka Banaadir iyadoo dhowaan la rajeynayo in ay ku qabsoommaan fadhiyada caadiga ah ee aqalka odeyaasha.

Xarunta aqalka sare ayaa waxaa dhistay dowladda Turkiga iyadoo loogu talogalay markii horeyba in ay noqoto xarun waxbarasho oo ay u dhammeystiran yihiin dhammaan adeegyadeeda.