madaxweyne-xasan sheekh iyo craxmaan faroole oo-ka-wada-hadlay-arrimaha-doorashada-sawirro

0
420

Kullan albaabada u xirnaa oo shalay xarunta madaxtooyada ay ku yeesheen Xasan Sheekh Maxamuud iyo murashaxa kale ee C/raxmaan Faroole ayaa looga hadlay arrimaha ku saabsan doorashada ee la filayo in 8-Feb, qabsoonto.

labada murashax oo siyaasad ahaan aad u kala fogaa ayaa isku soo dhowaaday, markii uu Faroole booqasho ugu tegay madaxweyne Xasan Sheekh, markii uu soo dhamaaday kulankaasi ayaa labada mas’uul ay si wada jir ah saxaafadda ula hadleen, iyagoo sheegay in kulankaan uu ahaa mid ay ugu wada hadleen  xaaladda Soomaaliya iyo arrimaha doorashooyinka.

C/raxmaan Faroole oo bishii September diiday inuu madaxweyne ugu yeero Xasan Sheekh ayaa shalay uu yeeray Madaxweyne Xasan, isagoo ku amaanay inuu wax badan o horumar ah uu qabtay mudadii uu xilka hayay. Sidoo kale Xasan Sheekh ayaa ku amaanay Faroole in uu hormuud u ahaa in KMG laga gudbo.

Warar hoose oo soo baxaya ayaa sheegaya in u jiro heshiis hordhac ah oo labada murashax ay ka wada hadleen, kaasoo salka ku haayo in Faroole uu taageero guusha Xasan Sheekh Maxamuud, haddii uu kusoo baxana xilka madaxweyne in Faroole lagu abaal marin doono xil wasiir oo wiilkiisa loo magacaabi doono.

Murashaxnimada C/raxmaan Faroole ayaa ah mid uu gorgortan siyaasadeed iyo saameyn uu ku yeesho magacaabida ra’iisul wasaaraha uu ku doonayo, waloow aan la ogeyn inuu ka tanaasuli doono iyo in kale.