Magacaabid Cusub Wasiirka Cadaalada iyo Arrimaha Garsoorka oo hada la magacaabay Axmed Faarax Cadare

0
419

Magacaabid Cusub Wasiirka Cadaalada iyo Arrimaha Garsoorka oo hada la magacaabay Axmed Faarax Cadare
WAR-SAXAAFADEED
Taariikh: – 27/10/2015
Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed Maxamed Siilaanyo waxa uu digreeto Madaxweyne oo summadeedu tahay JSL/M/XERM/249-3638/102015 ku magacaabay Wasiirka Wasaaradda Cadaalada iyo Arrimaha Garsoorka Jamhuuriyada Somaliland.
Madaxweynuhu:-
Markuu Arkay: Qodobka 90aad, Faqradiisa 2aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;
Markuu Tixgeliyey: Ahmiyadda weyn ay Wasaaraduhu u leeyihiin Dalka iyo dhismaha Qaranka;
Markuu Arkay: In baahi loo qabo buuxinta jagada Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Garsoorka ee Jamhuuriyadda Somaliland;
Markuu Ka Fiirsaday: Kartidiisa, aqoontiisa iyo hufnaantiisa shaqo;
Markuu Ku Qancay: In uu hanan karo xilkan loo magacaabay;
Wuxuu go’aansaday
In Mudane, Axmed Faarax Cadare, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Garsoorka ee Jamhuuriyadda Somaliland (Hore Wasiir Ku xigeenka Maamulka iyo Degmooyinka ee Wasaarada Arimaha Gudaha)
ALLAA MAHAD LEH
Naasir Yuusuf Daahir
Xoghayaha gaarka ah ee Xafiiska Saxaafada Madaxtooyada JSL.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here