Majirto Meel Aanu Ku Dacwaynay Ciidamadda RR-da, Saxaafadda U Soo Bandhig Hadad Hayso”. Guddoomiye Cirro

0
433

“Majirto Meel Aanu Ku Dacwaynay Ciidamadda RR-da, Saxaafadda U Soo Bandhig Hadad Hayso”. Guddoomiye Cirro

Hargaysa(Warsugannews)Dawladda Ingiriiska, ayaa caddaysay in Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI u gudbiyey Dacwadka dhan Ciidammada Booliska ee sida gaarka ah u tabobbaran ee loo yaqaanno RRU-da ee Somaliland, Dacwaddaas oo la xidhiidha inay ku kacaan tacaddiyo ka dhan ah Shacabka iyo dadka aan loogu talo-gelin Ciidankaa sida Millateriga u tabobbaran.

Hase-yeeshee, Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa mar labaad beeniyey in Xisbigiisu Dacwad ka dhan ah Ciidammada Booliiska Somaliland qeybta RRU-da u gudbiyey dawladda Ingiriiska, isla markaana raaciyey haddii la hayo caddeynteeda in loo soo bandhigo Saxaafadda.
Guddoomiye Cabdiraxmaan-Cirro oo shalay Xafiiskiisa ku qabtay Shir Jaraa’id oo uu iskaga difaacayey eedo ay labada Gudoomiye Ku-xigeen ee Golaha Wakiilladu u soo jeediyeen, ayaa sidoo kale ka weecday inuu bayaamiyo sababta uu ugu dhaqmi waayey hadal uu dhowaan warbaahinta u sheegay.

Weriye ka tirsan Wargeyska Himilo oo Guddoomiye Cabdiraxmaan-Cirro weydiiyey inuu dhawaan ka sheegay Warbaahinta u sheegay in Qoraalka Madaxweyne Siilaanyo ugu soo celiyey Shir-guddoonka Wakiillada go’aankii soo-jeedinta laalista heshiiska Haamaha Shidaalka uu sheegay in jawaabteeda Goleweynaha Wakiillada u taallo, sidaa darteed inuu keligii Madaxweynaha u jawaabo isagoon Golaha iyo Ku-xigeennadiisa ka qaybgelin? Waxa uu ku jawaabay; “Horta, Xeerka iyo go’aanku waa kala laba, waxaan eegnay Dastuurka, lana tashannay La-taliyaha Sharciga, waxaan ku qanacnay inaanay meelna kaga oollin Dastuurka, oo aanu jidaynin in go’aan Gole dib Golaha loogu soo celiyo, aduu (Weriyaha) haddaad heyso intaad Dastuurka ka soo heshid Saxaafadda u sheeg.”
Sidoo kale Guddoomiye Cabdiraxmaan-Cirro oo la weydiiyey Su’aal u dhignayd sidan:- Hore wareysi aad siisay Wargeyska Himilo waxaad ku beenisay in Xisbiga WADDANI Dacwad ka dhan ah Ciidanka RRU-da u gudbiyey Ingiriiska, balse waxa jiritaankeeda xaqiijiyey Safaaradda Ingiriiska mar wax laga weydiiyey, maxaad kaga jawaabi lahayd? Waxaanu yidhi; “Cidda aad wareysatay adigaa yaqaan, waan kuugu celinayaa Dacwad aannu gudbinnay ma jirto, haddaad haysana Saxaafadda u soo bandhig.”

Dhinaca kale, Weriye ka tirsan Wargeyska Himilo oo wax ka weydiiyey Safaaradda Ingiriiska ee Caasimadda dalka Itoobiya ee Addis Ababa oo qaabbilsan iskaashiga Ingiriiska iyo Somaliland wadaagaan ayey ku xaqiijisay in Guddoomiyaha Golaha Wakiilllada Somaliland Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) u soo gudbiyey Dacwad ka dhan ah taageerada ay siiyaan Ciidanka loo yaqaan RRU oo ka tirsan Booliiska.

Dhinaca kale Miss Lizzie Lovett oo ah Sarkaalad u qaabbilsan Somaliland Safaaradda Ingiriiska ee Addis Ababa wax ka weydiiyey 28-kii April sannadkan 2015, waxay su’aasha arrintaas ku saabsan la waydiiyay ayaa kaga jawaabtay; “Haa, Xisbiga WADDANI way noo soo gudbiyeen Ciidanka RRU, laakiin waxaan u ballan-qaadnay Guddoomiyaha Baarlamaanka Cabdiraxmaan-Cirro in dacwad kastoo ka dhan ah Ciidanka RRU aannu baadhitaan ku samayn doonno, isla markaana heshiis adagi naga dhexeeyo Xukuumadda Somaliland inaan sifo khaldan loo adeegsan Ciidanka RRu-da.”

Warsugannews

warsuganmedia@gmail.com

Hargeysa/OFFICE
Xigasho Somalilandtoday

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here