Malaayiin Dadka Maraykanka Ah Oo Laga Cabsi Qabo Inay Guryo Beelaan Biyaha Badda Oo Kor U Kacay Darteed.

0
394

Koox cilmibaadheyaal reer Maraykan ah ayaa daraasad ay sameeyeen waxay kazoo saareen digniino culus , iyaga oo sheegay inay jirto khatar weyn oo ku saabsan in dad badan oo reer Maraykan ahi ay waayaan guryahooda iyo dhulkooda .
Sababta ayay ku sheegeen biyaha badda oo kor usii kacaaya maalinba maalinta ka dambaysa, taas oo dhibaato ku keeni karta malaayiin reer Maraykan ah oo si fudud u guryo beeli kara, sidoo kalena waayi kara dhul ay degaan .
Warbixintan oo ay diyaariyeen khubaradan oo ka socday hay’adda lagu magcaabo Atmosphere and Oceans Association (NOAA) , ayaa lagu sheegay in meelo badan oo xeebaha wadanka Maraykanka ahi ay ku dhow yihiin inay biyaha soo tufaan, kadib markii cidhiidhi badani uu soo food saaray,waxaanay hay’addaha goboladda iyo kuwa Federalka ee wadankaasi usoo jeediyeen inay sameeyaan cabiro dhanka badda iyo dhulka ah.
Warbixintan oo lagu daabacay wargeyska Washington Post oo uu wargeyska Dawan kazoo xigtay ayaa lagu sheegay in la rajaynaayo in biyaha badda ee goboladda Waqooyi Galbeed dalkaasi Maraykanku ay aad kor ugu kacdo, sidoo kalena ay kusoo fatahaan dhulka ku dhow oo dhan, meeshana ay ka baxaan magaalooyin iyo dhul dhan oo dad Malaayiin ahi degan yihiin.
William Soyet oo isagu hay’addaasi ka tirsan khubaraddana ku jiray ayaa sheegay in biyaha oo kor u kaca masaafo dhan 1.83 meters oo Badda ah ay ku filan tahay in la waayo ama ay baro kacaan 6 million oo reer Maraykan ahi.
Korodhka baddaha caalamka ayaa lagu qiyaasay inay gaadhey 42 cm ilaa sannadkii 1880 kii, sidoo kalena hoos u dhac ayaa ku yimid sannadkii 1993 oo waxay gaadhey 8 cm.