Maraykanka Oo Duqeyn Ku Dilay Mid Kamid Hogaanka Al Qacida

0
554

Maraykanka Oo Duqeyn Ku Dilay Mid Kamid Hogaanka Al Qacida

Hargeysa(WSN)Diyaaradaha dagaalka ee Maraykanka ayaa duqeyn ku dilay mid kamid ah hogaamiyayaasha Al Qacida ee ku sugnaa wadanka Siiriya. Duqeyntan ayaa ka dhacday gobalka Idlib ee waqooyiga wadanka Siiriya, waxaana lala beegsaday hogaamiyaha lagu magacaabo Abu Faraj Al Masri oo kamid ahaa raggii sida weyn ugu dhawaa hogaamiyihii hore ee Al Qacida Cusaama Bin Laadin.

Hogaamiyahan oo u dhashay dalka Masar ayaa magaciisa rasmiga ahaa Ahmad Salamah Mabruk, waxaana la dilay isagoo ku sugan magaalada Jisir Al Shaquur oo ka tirsan gobalka Idlib ee waqooyi galbeed dalka Siiriya. Ninkan ayaa saarnaa gaarigiisa xiliga ay duqeysay diyaarad nooca aan duuliyaha wadin ee loo yaqaan Drone.

Maraykanka ayaan weli xaqiijin geerida hogaamiyahan, balse qaar kamid ah shabakadaha internetka ee taageera Al Qacida ayaa xaqiijiyey khaarajinta hogaamiyahaasi.

Al Masri ayaa dhawaan kasoo muuqday filim uu soo saaray hogaamiyaha Jabhatul Nusra xiligii uu ku dhawaaqayey inay isaga baxeen shabakada Al Qacida isagoona garabka midig ka fadhiyey hogamiyaha kooxdaasi Nusra .