Maraykanka Oo Sheegay In Dawladda Islaamiga Ahi Samaysato Hubka Kiimikada Ah

0
726

Maraykanka Oo Sheegay In Dawladda Islaamiga Ahi Samaysato Hubka Kiimikada Ah

Washington(Warsugannews)September-11-2015- Mas’uul ka tirsan dowladda Maraykanka ayaa BBC-da u sheegay inay aaminsan yihiin in ururka la baxay dowladda Islaamiga ay sameeyaan isla markaana adeegsadaan hubka kiimikada ah.

Maraykanka ayaa sheegay inuu aqoonsaday afar dhacdo oo ururka Dowladda Islaamiga adeegsaday gaaska loo yeqaano mustard.Maraykanka waxaa uu sheegay in kiimikada ay kooxdu u adeegsato qaab budo ahaan ah.

Weriyayaal BBC-da ka tirsan oo ku sugan xadka Turkiga iyo Suuriya ayaa sheegay inay arkeen caddeymo taageeraya warkaasi.

Maraykanka ayaa aaminsan in kooxdu leedahay qeyb u xil saaran hagaajinta hubkaasi kiimikada ah.

Warsugannews

Warsuganmedia@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here