Mareykanka oo soo saaray Digniin ku socota Dowlada Itoobiya

0
373
Ethiopia's Prime Minister Hailemariam Desalegn (R) applauds comments in Amharic language by U.S. President Barack Obama (L) during their news conference at the National Palace in Addis Ababa, Ethiopia July 27, 2015. The economy of Ethiopia is forecast to expand by more than 10 percent, although rights groups say Addis Ababa's achievements are at the expense of political freedom. REUTERS/Jonathan Ernst

Mareykanka ayaa walaac ka muujiyay xaalada deg dega ah ee dowladda Itoobiya ku soo rogtay, iyadoo looga digay in aanay xaaladaas uga faa’ideysan xadgudub loo geysyo dadka rayidka ah.
Afhayeen u hadlay Wasaarrada Arrimaha dibadda Mareykanka oo lagu magacaabo John Kirby ayaa sheegay in looga baahan yahay in dowladda ay kala cadeyso sida ay ku dooneyso inay ku dhowrto xuquuqda dadka rayidka ah lixda bilood ee uu socdo xukunka deg dega.
Mr Kirby ayaa uga digay dowladda inay caburiso dadka dibax baxaya, taasoo uu xusay inay sii xumeyn karto xaalada dalkaas ka taagan.
Dalalka reer galbeedka ayaa Itoobiya uga digay caburinta ay ku heyso dadkeeda, markii dhowaan ay soo rogtay xaalad deg deg ah.
Xaalada deg dega ah ee dowladda Itoobiya soo rogtay ayaa waxaa uu dowladda awood u siinayaa ciidamo milateri ah oo la geeyo goobaha dibad baxyada ka socdaan, in la mamnuuco dibad baxyada iyo isu imaatinka dadka iyo tallaabooyin kale.
Hey’addaha Xuquuqda aadanaha ayaa sheegay in boqolaal ruux lagu dilay Itoobiya, tan iyo markii banaan baxyada ka dhanka ah dowladda Itoobiya bilowdeen dhamaadkii sanadkii hore.