Mario Balotelli oo garka loosuray ganaax laba kulan ah

0
574

Weerar yahanka kooxda Nice ee dalka Faransiiska Mario Balotelli ayaa la dul dhigay ganaax laba kulan ah kadib markii uu casaan qaatay.

Mario Balotelli ayaa lootaagay casaan kulankii kooxdiisu ay 0-0 lagashay kooxda Bordeaux kulan ka tirsanaa horyaalka faransiiska 21-kii bishii hore.

Xiriirka kubadda cagta France ayaana ku ganaaxay Mario Balotelli inuu maqnaado laba kulan, kuwaas oo muhiim u ah kooxdiisa.Kulamada uu maqnaanayo weerar yahanka reer talyaani ayaa kala ah, Lorient iyo Metz, sidoo kale xiriirka ayaa ganaaxay laacibka qadka dhexe ee Nice Younes Belhanda kaas oo lagu ganaaxay kaliya hal kulan.