Marwada Koobad Ee Qaranka Somaliland Oo Kulan La Qaadatay Madaxda Hay’ada Ugu Weyn Mucawinooyinka Ireland Ee Concern World-wide

0
382

Marwada Koobad Ee Qaranka Somaliland Oo Kulan La Qaadatay Madaxda Hay’ada Ugu Weyn Mucawinooyinka Ireland Ee Concern World-wide.

Ireland(Warsugannews)Marwada Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Marwo Aamina Waris Sheekh Maxamuud Jirde, oo kamid ah Waftiga Madaxweynaha ee ku sugan dalka Ireland, ayaa kulan la qaadatay Madaxda ugu saraysa hay’ada ugu weyn waddanka Ireland ee Mucaawinooyinka deeqaha gaadhsiisa dalalka Afrika, taas oo loo yaqaan Concern World-wide Charity.

Marwada Madaxweynaha Somaliland, Marwo Aamina Waris waxaa xarunta Hay’ada ku qaabilay Guddoomiyaha hay’adaas, Dominic MacSorely iyo saraakiisha sarar sare ee Concern World-wide. Madaxda ugu sareeya Hay’ada Cincern ayaa sheegay in laamaha ururkooda ee Afrika ay ka shaqeeyaan qaybo kamid ah Gobolada Galbeed ee Waddanka Somaliland, gaar ahaan Gobolka Gabilay, isla markaana ay u qorshaysan tahay inay isbadal ku sameeyaan sidii Gobolada kale hay’addu u gaadhi lahayd.

Marwada Qaranka Somaliland, waxay u soo bandhigtay inay xooga saaraan Gobolada Bariga ee dalka sidii ay u gaadh siin lahayeen takulayn tooda. Sidoo kale waxay ka codsatay inay Xukuumadda Ireland ku dhiiriyaan sidii ay ugu soo biirilahayd waddamada ku midoobay Sanduuqa Horumarinta Somaliland ee loo yaqaan SDF. Waxayna Madaxda hay’adda Concern World-wide ballan qadeen inay baladhin doonaan mashriicda Somaliland. Hay’adan Concern World-wide ayaa ah mida ugu weyn dalka Ireland dhinaca mucaawinooyinka, waxayna wax ka qabata, Waxbarashada, Beeraha iyo Biyo Xidheenada.

Marwada Madaxweynaha Somaliland, waxaa kulankaas ku wehelinaayay Wasiirka Warfaafinta Cabdillaahi Maxamed Daahir (Cukuse) La-taliyaha Madaxweynaha ee hay’adaha Caalamiga iyo kuwa Maxaliga Cabdifataax Siciid Axmed iyo La-taliyaha Madaxweynaha ee arrimaha Saxaafadda.

Muniir Axmed Cigaal
Weriyaha Weftiga Madaxweynaha JSL
1

2

3

4

6

12076932_10153649408838535_1454172371_n

12080951_10153649409388535_1779177944_n

12086918_10153649409618535_365182962_n

12092173_10153649408913535_1570688318_n

12092183_10153649409243535_988772285_n

12092627_10153649409558535_1694361512_n (1)

12092627_10153649409558535_1694361512_n

12092651_10153649352683535_120127540_n

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here